Janaraal Xuud oo weerar ku soo qaaday Beledweyne

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka ayaa sheegaya in saaka jabhadda uu hoggaamiyo Janaraal Abuukar Xuud ay weerar kusoo qaaday bartamaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolkaasi.

Weerarka oo dhacay saaka aroortii hore ayaa waxaa xigay dagaal toos ah oo dhex-maray ciidamada dowladda iyo maleeshiyaadka uu wato Janaraal Xuud.

Ilo deegaanka ah ayaa inoo sheegay in rasaasta laga maqlayey xaafadaha magaalada oo dhan, islamarkaana labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku sii daray inuu jiro khasaare leh dhimasho iyo dhaawac, balse ma cadda inta uu gaarsiisan yahay.

Xaaladda ayaa weli ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo haatan laga dareemaya magaalada Beledweyne iyo duleedka.

Xuud oo wata oo maleeshiyaad ku abaabulay duleedka Beledweyne ayaa si weyn  uga soo horjeeda maamulka HirShabelle ee uu horkacayo Cali Cabdullahi Xuseen (Guudlaawe).