Weerar madaafiic iyo mid toos ah oo lagu qaaday magaalada Dhuusamareeb

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Wararka laga helayo magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in caawa madaafiiic dhowr ah ay ku dhaceen magaalada sidoo kalena dagaal culus uu ka dhacay meel laga soo galo, xilli ay ku wada sugan yihiin madaxda dowladda Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedyada.

Ilo wareedyo ku sugan magaalada ayaa sheegay in ku dhowaad 10 hoobiye ay kusoo dhaceen qaybo kamid ah magaalada, waxaana weerarkan uu imanaya laba habeen un kadib markii sidoo kale magaalada sidan oo kale madaafiic loogu weeraray.

Sidoo kale maleeshiyada Al-Shabaab iyo ciidamadda sugaya ammaanka magaaladda iska-hor-imaad xooggan waxa uu ku dhex-maray meel magaalada laga soo galo kadib weerarka madaafiicda.

Dagaalka ayaa la sheegayaa inuu socday in ka badan 30 daqiiqo. Weli ma cadda khasaaraha ka dhashay dagaalka iyo weerarka madaafiicda intaba.

Dadka deegaanka ayaa Caasimada Online u sheegay inay maqleen hub culus iyo rasaas la is-weydaarsanayo, waxaana ay ka cabsi qabaan in Al-Shabaab ay isku dayeyso inay magaalada soo gasho.

Waa markii labaad oo todobaadkan gudahiisa ay Al-Shabaab weerar noocaan ah ka fuliso caasimadda Galmudug oo madaxweyne Farmaajo uu soo jeediyey in shirka lagu qabto xilli amni daradeeda ay aad u sareysay.

Ugu yaraan afar qof oo midkood uu yahay askari boolis ayaa ku dhaawacmay markii laba habeen kahor ay sidaan oo kale Al-Shabaab ku dhowaad tobban madfac ku garaaceen qaybo kamid ah magaaladda Dhuusamareeb.