Xuutiyiinta Yemen dalka oo ‘gantaalo ku weerary qasriga boqortooyada Sacuudiga

Riyadh (Caasimada Online) – Kooxda Xuutiyiinta ee ka dagaalanto gudaha dalka Yemen, ayaa sheegatay Mas’uuliyadda weerar Gantaalo ah oo lagu garaacday gudaha dalka Sacuudi Carabiya oo hoggaaminayo duulaankii lagu qaaday Yemen dhawr sano ka hor.

Kooxdaan ayaa sheegatay inay Gantaalo ku garaacday gudaha qasriga boqortooyada Sacuudi Carabiya, sida lagu daabacay warbaahinta ku hadasho afka kooxdaan.

Xuutiyiinta ayaa sheegtay in gantaaladaas ay ka dhasheen khasaaro inkastoo aysan kooxdaan sheegin tirada dadka ku wax yeeloobay weerarkaas.

Dowladda Sacuudiga oo ka hadashay sheegashada kooxdaan ayaa xustay inay ku guuleystay inay hawada ku burburiso laba gantaal oo nooca balaastikada ah oo ay xuutiyiinta kusoo rideen Caasimadda Sacuudiga ee Riyadh iyo Magaalada Jeysaan.

Wasaaradda difaaca dalka Sacuudiga ayaa sheegtay in laba ruux dhaawacyo  fudud soo gaareen markii darbiyo ku dumeen intii uu socday hawlgalkii gantaladaas looga hor tagayay.

Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa dhawr jeer weerar gantaalo ah ku qaaday gudaha Sacuudiga, waxayn taas keentay inay Sacuudiga xirto dhawr garoon oo kuwa diyaaradaha ah oo ku yaalo magaalooyinka u dhow dhow Xuduuda Yemen markii ay duqeeyeen kooxdaan.

Xulafada Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta ayaa dhawr sano ka hor weerar ku qaaday dalka Yemen, iyagoo sheegay inay soo afjarayaan kooxda Xuutiyiinta balse illaa hadda laguma guuleysan, waxaana dowladaha howlgalkaan hoggaaminayey kasoo gaaray khasaaro nafadeed iyo mid dhaqaale.