KENYA oo dib u billowday xadgudubkii ay ku haysay dhulka Somalia, illaa 50km

Beled Xaawo (Caasimadda Online) – Dowladda Kenya ayaa mar kale ku dhaqaaqady xadgudub ay ku sameyneyso dhulka Soomaaliya, ayada oo dib u billowday dhismaha darbigii ay ka dhiseysay xuduudda ay la wadaagto Soomaaliya ee dhanka Gobolka, soona gashay dhulka Soomaaliya.

Arrintaan ayaa waxaa xaqiijiyey Korneyl Aadan Rufle oo kamid ah Saraakiisha Ciidamada Millateriga Soomaaliya ee ku sugan Gobolka Gedo.

Taliyaha ayaa sheegay in dhimaha darbigaas ay markii hore ka hor yimaadeen dadka Shacabka sanadkii 2018 balse ay Kenya go’aansatay inay mar kale dib u billowdo.

“Waxaan Shacabka Soomaaliyeed u sheegayaa in laga soo bilaabo 20-kii bishan ay Kenya bilowday inay dhismo ku bilowdo dhulkii Soomaaliyeed, taasoo qeyb ka ah qorshaha ay Kenya ku dooneyso inay ku baneysato dhulkeena iyo badeena,” ayuu yiri Korneyl Aadan.

Korneyl Aadan ayaa intaasi ku darey in Kenya darbiga ay ka dhiseyso in ka badan 50 Km oo ku wareegsan ilaa Xaduudka Raas Kanbooni, hayeeshee Shacabka Soomaaliyeed aysan ku baraarugsaneyn.

Waxa uu ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed inay ka hortagaan darbiga ay Kenya ka dhiseyso Xadka ay la leedahay Soomaaliya, sidoo kalena ay kuso xad gudubtay dhulka Soomaaliya, isagoo dhallinyarada ugu baaqay inay u diyaar garoobaan kacdoon ka dhan ah Kenya.

Tallaabada ay Kenya dib ugu bilowday dhismaha darbiga xuduuda ay la wadaagto Soomaaliya ayaa kusoo aadeyso xilli ay Gedo ka taagan tahay xiisad u dhaxeyso Maamulka Jubbaland iyo Dowladda Soomaaliya taasoo keentay inuu dagaal culus ka dhaco xuduuda Soomaaliya iyo Kenya.

Hoos ka dhageyso codka Korneyl Aadan