SOMALILAND oo si kulul u beenisay ‘sheegashadii’ ra’iisul wasaare KHEYRE

Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa maanta si adag uga hadashay in qalab laga soo diray magaalada Muqdisho la soo gaadhsiiyey magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland.

Somaliland ayaa been abuur ku tilmaamtay in qalab caafimaad ay dowladda federaalku u soo dirtay, kaasi oo ay dhowaan sheegeen Ra’iisal wasaare Kheyre iyo Wasaarada caafimaadkuba in la gaadhsiiyey deegaanada Somaliland.

Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, Agaasimaha wasaarada caafimaadka Somaliland ayaa gebi ahaanba meesha ka saaray ‘Sheegashada’ Kheyre ee aheyd in Somaliland ay gaarsiiyen qoondadoodii ku aadaneyd kaalmadii uga timid Shiinaha.

Xergeeye ayaa sheegay in qalabka maamulkooda soo gaadhay uu ka yimid Qaramada Midoobay, kaasi oo qeyb ka ah daawooyin uu sheegay in hore loo siin jirey Somaliland, ayna doorkan yihiin qalab ka hor-tag.

“Qalab caafimaad oo aanu Soomaaliya weydiisanay oo ay na-soo gaadhsiiisay haba yaraate ma jiraan, Soomaaliyana nooma taliso, waxaynu rabnana iyada u sii mari mayno” ayuu yiri Agaasime Xergeeye.

Wuxuuna intaas sii raaciyey “Qalabkan caafimaad ee ina-soo gaadhay waxay ka mid yihiin dawooyinkii aynu awalba ka heli jirnay Qaramada Midoobay, waana qalab ka hor tag ah”.

Agaasimaha ayaa ugu dambeyntiina sheegay in weli gudaha Somaliland laga helin Kiis la xiriira caabuqa dunida ku faafay ee Coronavirus, iyada oo Kiiskii saddexaad laga xaqiijiyey magaalada Muqdisho, ee caasimada Soomaaliya.