Yaa Al-Shabaab u gudbiya xogta dekedda Muqdisho?

Muqdisho (Caasimada Online) –  Kooxda Al-Shabaab ayaa badanaa ka war haysa dhaq-dhaqaaqa ganacsi ee dekedda Muqdisho, iyada oo xogtaasi u gudbiyaan shaqsiyaad ka tirsan dowladda, sida ay shaacisay warbixin uu baahiyey machadka Hiraal.

Warbixintaasi ayaa lagu sheegay in Al-Shabaab ay awood u leedahay inay garato cashuurta ay ka qaadayso ganacsiyadaasi, maadama ay manifeestada wax soo dejinta ka hesho shaqaalaha dawladda, gaar ahaan kuwa ka shaqeeya dekedda oo la leh wada-shaqeyn.

Al-Shabaab ayaa xogtaasi u adeegsata xadiga canshuurta, iyada oo dalbata canshuurta kastamka ee dhammaan wixii la soom dejiyay, midaasi oo ka dhigan in kooxdu wax u canshuurto qaab lamid ah dowladda, balse ka dhaqaale badan.

Intaas kadib kooxda ayaa xadiga canshuur ee ay go’aamisay u gudbisa ganacstada wax kala soo dega dekadda, taasi oo aan la hayn wax gor-gortan ah, sida lagu sheegay warbixinta.

Ganacsatada ayaa badanaa bixiya lacagaha ay kusoo dalacdo kooxdaasi, iyaga oo u arka inaysan jirin cid sugi karta amnigooda, haddii ay u hogaansami waayan lacag bixintoodaasi, midaasi oo aysan dowladdu awood u laheyn maadama ay maamulkeeda ka dhex shaqeeynayso kooxdani.

“Arrin aad u muhiim ah oo usuuro gelisa in Shabaab cashuur uruursato ayaa ah awoodda ay u leedahay helidda waraaqaha dekedda alaabta lagaga soo caddeeyo (manifest) marka ay doonaan, iyaga oo ka helaya dadka dawladda ugu jira ee lashaqeeya” ayaa lagu yiri warbixinta.

Waxa kale oo lagu yiri “Sidaa daraadeed, ganacsatada way ku adag tahay in ay ka qariyaan hawlahooda kooxda, marka taa lagu daro awoodda kooxdu u leehay inay hawlo ka fuliso meelaha magaalooyinka ah, way ku adagtahay in ganacsatadu diiddo in ay bixiyaan lacagta kooxdu rabto”.

Kooxda ayaa inta badan xoriyad buuxda gaancsigooga u siisa ganacstada siiya canshuuraha ay dalbadaan, halka kuwa diidana mutaan ciqaab adag, isla markaana noloshooduna halis gasho.

Canshuurta ay kooxdu bishii aruuriso ayaa lagu sheegay marka la isku wada daro inay tahay ugu yaraan 15-milyan oo doollar, taasi oo ka dhigeysa in maleeshiyadaasi ay qaado canshuuro ka badan midda dowladda, iyada oo kala bar lacagahaasi ay kasoo xaroodaan magaalada Muqdisho.