Xog: Maxay mucaaradka uga aamusan yihiin doorashada HirShabeelle, si ka duwan doorashadii Gallmudug?

Jowhar (Caasimada Online) – Waxaa xalay lagu dhawaaqay liiska xildhibaanada baarlamaanka dowlad gobaleedka HirShabeelle oo gaaraya 90 xubnood, kadib doodo iyo muran maalmo qaatay.

Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo siyaasiyiin kale ayaa taageeray liiska xildhibaanada, halka qaar kale oo badanna ay ka aamuseen.

Si guud doorashada dowlada gobaleedka HirShabeelle ayaa ku socoto jawi dagan marka laga reebo doodda beelaha dhaxdooda ah, iyadoo aysan jirin wax war ah oo kaga imanaya dhinacyada kale ee siyaasadda, sida, madaxdii hore ee dalka, xisbiyada siyaasadda iyo siyaasiinta kalaba si lamid ah tii Galmudug.

Dad badan ayaa is weydiinaya, waa maxey sababta ay uga aamusan yihiin Madasha Xisbiyada Qaran doorashada HirShabeelle oo ay u taageeri waayeen ama u mucaaradi waayeen?

Dad kala duwan oo ka tirsan Madasha ayaa Caasimada Online u sheegay in dhinacyadu aysan ku deg degi karin mucaaradida HirShabeelle maadaama ay ka soo jeedaan islamarkaana ay madaxdii hore oo Madasha hogaamisa ka qabaan rajo weyn oo ah codadka baarlamaanka.

“Dhamaantood waxay ku tashanayaan codadka baarlamaanka mana mucaaradi karaan qof kasta oo musharax ah waliba kuwa ay wadato dowladda, sababtoo waxaa cashir uga filan diidmadoodii Galmudug iyo Koonfur Galbeed, sidaas darteed ma rabaan siyaasi kale oo ay mucaaradeen inuu Madaxweyne ka noqdo HirShabeelle,” ayuu yiri mid kamid ah Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ee ku jira Madasha Xisbiyada Qaran oo ay hogaamiyaan Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Hore ayaa sidaan oo kale waxaa u sheegay Taliyihii hore ee hay’adda NISA Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe in aysan madaxda Madasha Xisbiyada aysan ka hadli karin arimaha HirShabeelle oo ay u tartamayaal siyaasiin ay isku heyb yihiin madaxda Madasha.

Waxaa sidoo kale jirta in madaxdan, gaar ahaan Xasan Sheekh ay horey eedo badan ugal kulmeen beeshooda, ayadoo lagu dhaliilay inay ka hiiliyeen oo ay duudsiiyeen xaqooda iyo maqam u dhigma culeyskooda siyaasadeed, sidaas darteedna mar kale uma muuqan karaan inay kasoo horjeedaan qof ku beel ah.