Xog: Beelaha ku lugta leh dilalkii ka dhacay Cabudwaaq iyo kaalinta DF Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa xaalad bandow ah lagu soo rogay degmada Caabudwaaq ee gobalka Galgaduud kadib markii xalay koox hubeysan ay bartamaha magaalada ku dishay laba qof oo ka mid ah dadka degaanka.

Dilka ayaa waxa uu ka dhacay maqaayad ku taalla halkaas, oo ay kooxda wax dishay gashay kuna toogteen labada qof.

Xog ay heshay Caasimada Online, oo aan kasoo xiganay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay, ayaa sheegaysa in dadka la dilay iyo kuwa dilka gaystayba ay kasoo wada jeedaan laba jufo oo ka tirsan beesha Mareexaan, sababta dilka ka dambeysana ay tahay aano qabiil.

Jufada dilka gaysatay ayaa la sheegay inay tirsanayaan in dad laga dilay muddo iminka laga joogo in ka badan afar sano, hase yeeshee ay muddo socotay waan-waan iyo in la siin doono diyo taasi oo aan dhicin.

“Markii 2018 uu madaxweyne Farmaajo yimid Cabudwaaq ayey dowladda federaalka kala dhex-gashay beelahan, waxaana xal lagu gaaray in dowladda ay gacan ka gaysato in la bixiyo diyada, hase yeeshee illaa markaas diyadii lama bixin,” ayuu yiri mid kamid ah maamulka degmada Cabduwaaq, oo la hadlay Caasimada Online.

Mas’uuliyiin isugu jira odayaal, siyaasiin iyo qeybaha kale ee bulshada Cabudwaaq ayaa Caasimada Online u sheegay in ballan-qaadka ay sameysay dowladda ee la fulin waayey uu xaaladda sii xumeeyey.

Dhinaca kale amarka bandowga ayaa la sheegay inuu ka yimid magaalada Dhuusamareeb.

“Amarka Bandow ee magaalada, waxaa laga bixiyay Dhuusamareeb waxana bixiyay Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug, oo kasoo jeeda beesha Mareexaan lamana oga sida uu xaalku ku dambeyn doono balse arrintaan waxay u baahan tahay xal dhab ah,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay mas’uulka aan la hadalnay ee ka tirsan maamulka degmada.