Muuse Biixi oo shaaciyey qorshaha ay ku qasbeyso QM ee la xiriira DF Soomaaliya

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta ka hadlay khilaaf soo kala dhex-galay Qaramada Midoobay iyo xukuumada uu hogaamiyo, taasi oo keentay inay Somaliland joojiso wada-shaqeyntii kala dhaxeysay hay’addaha QM.

Madaxweynaha oo ka qeyb-galay kulan uu yeeshay golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye ayaa sheegay inaysan marnaba aqbaleyn waxkasta oo wiiqaya qaranimada Somaliland, isla markaana lagu hoos geynayo dowladda federaalka Soomaaliya.

Wuxuuna nasiib darro ku tilmaamay in QM ay siyaasadeyso kaalmaha bani-aadanimo iyo howlaha horumarineed ee ay fuliso, isla markaana ay dowladda federaalka oo uu sheegay inay col yihiin, la gasho heshiis wax u dhimaya madax-banaanideeda.

Muuse Biixi ayaa sheegaya in sababta ay isku qabteen QM ay tahay inay dooneyso in qorshe howleedka ay ugu talo-gashay dowladda Soomaaliya ay ka fuliyaan gobollada Somaliland, maadama uu ku doodayo inay yihiin labo dowladood oo kala madax-banaan.

Sidoo kale waxa uu markii u horeysay sheegay in arrinta keentay in wada-shaqeyntii QM joojiyan ay ka dhalatay khilaaf soo kala dhex-galay, kaasi oo la xiriira in Somaliland ula macaamilaan sida dowlad madax-banaan, isla markaana  mashaariicdoodana kala xaajoodan xukuumadiisa.

Hadalka madaxweynaha ayaa imanaya xili ay  xukuumadda Somaliland ay shaacisay in hakisay wada shaqeyntii ay la lahayd Hay’adda Qaramada Midoobay oo mashruucyo kala duwan ka wada deegaanada Somaliland.