32.9 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Yaa caqabad ku ah heshiiska H/Gedir iyo B/Maal

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Afgooye (Caasimada Online) – Maamulka Koofur Galbeed ayaa ka hadlay hishiisyadii dhawaan ka dhacay Shabeelaha Hoose ee u dhaxeeyayay labo maleeshiyo beeleed oo ku dagaalamay gobolkaasi, kuwaasi oo dagaalkooda uu soo jiitamayay muddo sanado ah.

Wasiirka beeraha ee maamulka koofur Galbeed Maxamed Xasan Fiqi, ayaa sheegay in caqabada hishiis dhexmaraa beelahaasi tahay ciidamada xooga dalka Soomaaliya oo uu sheegay iney mar walbaa huriyaan dagaal beeleedyada.

Wuxuu sheegay in ciidamada dowlada inta ay ku sugan yihiin Shabeelaha Hoose in hishiis buuxa uu dhaqan geli karin, isaga oo ku eedeeyay iney mar walbaa oo la isku soo dhawaado qaab qabiil ahaan dad ugu dilaan deegaanada gobolka.

Arintaasi ayuuna sheegay iney sii huriso dagaal beeleedyada ku noqnoqday Shabeelaha Hoose, sida uu sheegay Maxamed Xasan Fiqi.

Wasiirka ayaa soo qaatay tusaalooyin badan oo u daliilsanayo in ciidamada xooga dalka oo qaab qabiil u abaabulan ay dhibaato dagaal dhalisay ka abuureen Shabeelaha Hoose, wuxuuna soo hadal qaaday qoyskii dhawaan lagu gubay duleedka Marko oo uu sheegay in dad la yaqaano ka qeyb qaateen.

Shabeelaha Hoose ayaa waxaa marar badan ka dhacay dagaal qabiil ku saleysan oo u dhaxeeyo maleeshiyaad ku abtirsada beelaha Biyomaal iyo Habargedir.

Caasimada Online
Xafiska Afgooye
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News