27.9 C
Mogadishu
Friday, January 23, 2026

Labtop wareer ka abuuray garoonka Muqdisho

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo bishii labaad ee sanadkaan oo qarax uu ka dhacay diyaarada Daalo Airline waxaa aad loo adkeeyay amaanka garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho oo lagu soo kordhiyay adeegyo badan oo dhanka amaanka ah.

Dhacdooyinka badan ee cabsida keena ayaa ah marka garoonka diyaaradaha aad la gasho aalada Labtop-ka oo haddii uu daarmi waayana dhibaato kale ay kugu sii noqoneyso.

Qaar kamid ah shaqaalaha garoonka diyaaradaha ee qaabilsan dhanka amaanka ayaa inoo sheegay in dhacdo ay qabsatay mid kamid ah dadka qurbaha kayimid muddana ku sugnaa magaalada Muqdisho, kaasi oo doonayay in labtop ciladeysan dibbada loogu qaado.

Labtop-ka uu watay ayaa ahaa mid aan lagu sameyn karin dalka Soomaaliya oo waxaa soo saartay shirkada Apple  oo xafiis aah ku laheyn magaalada Muqdisho, wuxuuna ku qasbanaaday inuu ugu yaraan Dubai u qaado.

Balse waxaa hayadaha amaanka ay ku wargeliyeen in shardi ay tahay in Labtop-ka uu shidmo si loo ogaado inuu yahay mid wanaagsan oo baqdin aan laheyn ama inuu qarax ku xiran yahay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News