Yaa diidan in la xaraasho xarunta barlamanka P/Land?

Garoowe (Caasimadda Online) – Duqa magaalada Garoowe Axmed Saciid Muuse ayaa kasoo horjeestay tilaabada ay Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Puntland ku doonayaan iney ku xaraashaan xarunta ay ku kulmi jireen.

Duqa wuxuu si adag uga soo horjeestay go’aanka Baarlamaanka wuxuuna u sheegay iney xaruntani tahay mid dan guud ah laguna soo wareejiyo maamulkiisa hadiiba ay ka guurayaan Baarlamaanka.

“Xarunta Baarlamaanka waa hanti dan guud oo ay Garoowe leedahay, si kumeel gaar ah ayey ugu shaqeynayeen inta ay ka helayaan xaruntooda rasmiga ah, sidaas darteed awood uma lahan inuu iibiyo, waxaan u direynaa qoraal rasmi ah madaxda maamulka si xarunta gacanteena loogu soo celiyo,” ayuu yiri Axmed Saciid Muuse.

Isniintii ayey Guddoonka Baarlamaanka Puntland warqad codsi ah u gudbiyeen golaha wakiilada, waxeyna doonayaan in la iibiyo xarunta.

Sababta ugu weyn oo ay xildhibaanada xaruntaan uga guurayaan waxaa lagu sheegay taxadar dhanka amniga ah, waxeyna codsadeen iney helaan meel amaan ah.

31 Mudane ayaa u codeeyay in xarunta la iibiyo kadib markii fadhiga Baarlamaanka ay soo xaadireen 41 xildhibaan, 6 ayaa diiday halka 4 ay ka aamuseen.