Senator Mashruuc: Ardayda Puntland ma mudna in lagu ciqaabo loolanka V/Somalia iyo maamulka Puntland

Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Maxamuud Axmed Maxamuud Mashruuc oo ka tirsan Aqalka Sare ee baarlamanka Soomaaliya ayaa ka digay in ardayda Puntland lagu ciqaabo loolanka siyaasadeed ee u dhaxeeya Villa Somalia iyo maamulka Puntland.

Wasiirka waxbarashada Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa dhowaan sheegay in ardayda Puntland aysan heli doonin shahaadada federaalka, haddii aysan wasaaraddiisa qaadin imtixaanada Puntland, taasi oo maamulka Puntland-na uu ku gacan seeray. Is-mari waaga labada dhinac ayaa waxaa dhibanayaal ku noqday kumanaan arday oo reer Puntland ah.

Senator Mashruuc ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook ku yiri “Ardayda Puntland ma mudna in lagu ciqaabo siyaasadaha is diiddan ee Villa Somalia iyo maamulka Puntland awgood,” wuxuuna ugu baaqay dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada inay la yimaadaan xal.

Haddii Dawladda Dhexe iyo dawlad goboleedyadu ay ku guul darreysteen inay arday kasta oo Soomaali ah meeshuu dalka ka joogo adeeg Waxbarasho lacag la’aan ugu geeyaan; waxaa looga fadhiyey in ay la yimaadaan siyaasad hagta, horumarisa, abaal marisa dadaalka waaliddiinta iyo shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Senator Mashruuc.

Senator Mashruuc ayaa ka mid ahaa xildhibaano kasoo jeeda deegaanada Puntland oo muddo dadaal xooggan ugu jiray in xil loo helo muranka ka taagan shahaadada ardayda Puntland, wuxuuna nasiib-darro ku tilmaamay in laba sano xal loo la’yahay arrintan.

“Waxaan aad uga xumahay ilaa muddo 2 sano ku dhow in weli ay taagan tahay xal u helid la’aanta muranka Puntland iyo Dawladda Dhexe ee ku aaddan shahaadada Dawladda Federalka ay bixiso iyo wadashaqeyn la’aanta ka dhaxeysa labada wasaaradood,” ayuu yiri.

“Waa arrin xanuun nadan in arday tiro badan oo Reer Puntland ila soo xiriirtay ii sheegeen in 2 sano dib uga dhaceen Jaamacado ay dibadda u aadi lahaayeen sanadkii saddexaadna ay dib u dhici karaan haddii aan xal loo helin Shahaadada iyo in ay ka qaadan karaan Puntland.”

Mashruuc ayaa sidoo kale xusay in wasiirka waxbarashada Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre uu horey u qiray sida uu u wanaagsan yahay nidaamka waxbarasho ee Puntland.

“Mar aan Wasiir Goodax ugu yeernay annagoo ah Senatorrada Puntland laga soo doorto, waxa uu horteena ka qiray in Puntland Wasaaraddeda Waxbarashada ay qaangaar tahay, wax badanna ay ka kororsadeen khibraddi 20 ka sano ay shaqeynaysay,” ayuu yiri.

Senator Mashruuc ayaa ku baaqay in siyaasadaha taban ee dalka aysan saameyn mustaqbalka caruurta.

“Siyaasadaha taban ee carqadda ku ah Mustaqbal ka ubaddka Soomaaliyeed ma aha mid ka tarjumeysa hannaan dawladnimo, waxaana habboon Ina laga wada fogaado si jiilasha Soomaaliyeed ee soo koraya u hantaan himilooyinkooda,” ayuu ku yiri qoraalka.

“Maadaama uu dhammaanayo sanad dugsiyeedka 2019 / 2020, waxaa la joogaa waqtigii mudnaanta koowaad ay Villa Somalia siin laheyd sidii xannibaadda sharci darrada ardayda Puntland looga qaaadi lahaa, agendaha shirarka wadatashiga soo socdana loogu darsan lahaa.”

Waxa uu qoraalkiisa kusoo geba- gebeeyey “Arday kasta oo Somali ah waxa uu xaq daatuuri u leeyahay inuu wax barto, Dawladda Soomaliyana (heer Federal iyo heer Dawlad Goboleed) ay u fududeyso adeegga waxbarashada ugu horreyso shahaadooyinka heerarka kala duwan.”

Muuqaalkan hoose waa sanad ka hor mar uu Senator Mashruuc ku howlanaa xalinta hawshan.