Wararkii ugu dambeeyey diyaaraddii maanta ku bur-burtay garoonka Beledweyne

Beledweyne (Caasimada Online) – Garoonka diyaaradaha ee Beledweyne ayaa maanta waxa ku bur-burtay diyaarad nooca xamuulka ah oo rabtay inay cago dhigato garoonkaasi.

Diyaarada ayaa xiligii ay cago-dhigan rabtay garoonka bur-burtay, kadib markii ay ka baxday dhabaha diyaaraduhu ku ordaan, isla markaana uu ubaxay mid kamid ah taayiradeedu.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, diyaaradaasi ayaa si gaar ah ugu kireysneyd Qaramada Midoobay, iyada oo kasoo duushay dalka Jabuuti, taasi oo ku diiwaan-gashaneyd lamberka tirsigiisu yahay 5Y-VVU.

Kadib markii ay dhacday diyaaradu waxa ka kacay dab xoogan oo gebi ahaanba qabsaday diyaarada, iyada oo lagu guuleystay samato bixinta duuliyihii waday diyaarada iyo labo kale oo caawiye u ahaa.

Diyaaradaasi bur-burtay ayaa siday gargaar loogu tala-galay dadkii ay saameeyen fatahaadihii gobolka Hiiraan, kaasi oo ay kasoo qaaday dalka Jabuuti.

Dad ka ag-dhawaa garoonkaasi ayaa sidoo kale sheegay inay arkeen diyaarada oo isku dayeysa inay fariisato garoonka, balse si lama filaan ah hal mar u arkeen iyada oo holcaysa.

Diyaarada ayaa gebi ahaanba ka baxday dhabaha diyaaraduhu ku ordaan, xili uu dab qabsaday, kadib markii uu ubaxay mid kamid ah taayirada diyaaradu, sida uu warbaahinta dowladda u sheegay Taliyaha qeybta booliiska ee gobolka Hiiraan.

Taliyaha ciidamada Jabuuti ee gobolka Hiiraan, Korneyl Cabdullahi Muuse oo isaguna warbaahinta la hadlay ayaa xaqiijiyey in la bad-baadiyey saddex shaqaale oo saarna diyaaradaasi.

Diyaaradaasi oo siday gar-gaar u badnaa raashin, ayaa waxa sawirro laga soo qaaday muujinayeen dab xoogan oo kusii fidayay qaybo kamid ah garoonkaasi, iyada oo gebi ahaanba uu shuf beelay raashinkaasi.

Maamulka garoonka iyo kan dowlad goboleedka oo iyagana aan la xiriirnay ayaa gebi ahaanba ka gaabsaday faah-faahin intaasi ka badan, iyaga oo ku gaabsaday inay dib uga warbixin doonaan warbaahinta.