Wararkii ugu dambeeyey ee safarka ra’iisul wasaare Kheyre ee Dhuusomareeb

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa saacadaha soo socda ee maanta lagu wadaa inuu gaaro oo uu ka dego caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb.

Safarka Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa yimid kadib baaqii ay madaxda maamulada kasoo saareen shirkii Dhuusamareeb, kaasi oo ay madaxda sarre ee dalka ugu baaqeen kasoo qeyb-galka shirarkaasi.

Madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ayaa ka shiri doona khilaafka la xiriira arrimaha doorashooyinka & sidii ay xiligeeda ugu dhici laheyd doorashadu, iyada oo laga wada-tashanayo iyo weliba amaanka.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxa si weyn looga dareemayaa u diyaar garowga soo dhaweyne Ra’iisal wasaaraha, iyada oo ay ku sugan yihiin madaxda maamul goboleedyada.

Sidoo kale warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in Madaxweynaye Farmaajo uu ka dambeyn doono Ra’iisal wasaaraha, isagoona maalmaha soo socda u safri doona magaalada Dhuusamareeb.

Madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamulada dalka ayaa u muuqda kuwa sidii hore iskaga soo dhawaanaya, xili uu muddooyinkii dambe ay ka dhex aloosneyd xiisad culus.