Cabdikariim Guuleed oo ka hadlay doodda ka taagan shahaadada ardayda P/L

Saalax Saciid SabriyeBy Saalax Saciid Sabriye

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynahii hore dowlad goboleedka Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed, haddana kamid ah musharixiinta la filayo inay isku soo taagan xilka madaxweynimo ee Soomaaliya, ayaa kasoo horjeestay in lagu gorgortamo mustaqbalka caruurta Soomaaliyeed xilli ay taagan tahay dood ku saabsan shahaadooyinka ardayda ku sugan deegaanada Puntland.

Wasiirka Waxbarashada Dowladda Federaalka Cabdullaahi Goodax Barre ayaa sheegay in ardayda imtixaanaadka ku galaya deegaanada Puntland aysan heli doonin shahaado haddii aysan imtixaanaadku qaadin Wasaaradiisa, taasna waxey dhalisay dood badan oo dhibaato ku ah mustaqbalka ardayda.

Guuleed wuxuu siyaasiyiinta uga digay ineysan ku dul ciyaarin mustaqbalka caruurta isla markaana Dowladda ay masuuliyad iska saarto iney arintaas.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA CABDIKARIM GUULEED

Waa nasiib daro weyn iyo walaac bulsho iney markale soo noqoto doodda shahaaddada dugsiga sare ee ardeyda Soomaaliyeed ee ku nool deegaannada Puntland.

Muddo badan oo aan ka shaqeynayey arrimaha waxbarashada, waxaan fahmi karaa marxaladda ay ku suganyihiin carruur muddo wax soo baranayey oo muran laga galiyo shahaaddada qalin jabinta iyo xaaladda waalidkii kusoo rafaaday, kuna soo tiir iyo tacab beelay iney heerkaan soo gaarsiiyaan.

Dowladda Federaalka ah masuuliyad ballaaran ayaa ka saaran dhismaha mustaqbalka caruurta Soomaaliyeed, mana ahan wax maangal ah in dhaanto siyaasadeed lagu dul qabsado aayaha ubaxa dalka.

Waxaa na damqineysa in mar walba xiligaan oo kale laga dooddo arrimaha ardeyda Puntland iyo wasaaradda waxbarashada Soomaaliya. Waxey aheyd in qof walba uu masuuliyadiisa qaato, oo arrintaan xal laga gaaro xili hore inta aanu imtixaanku imaanin, maadaama lasii ogaa.

Dhibaato walba oo soo gaarta mustaqbalka caruurtaas, sida iney waxbarashada ka niyad jabaan, iney naceyb u qaadaan Dowladnimada iyo ku dhaqanka go’aanno khalafsan oo xaga caafimaadka ah waxaa masuuliyaddeeda qaadan doonta cid walba oo si toos ah iyo si dadban u hor istaagta xaqiijinta halgankooddii koowaad ee nolasha.

Waxaan uga baaqaya Dowladda Federaalka ah iyo Puntland iney badbaadiyaan rajada iyo aayaha ardadaas oo ay hab tanaasul ah ku xaliyaan doodda sannadkaan, wixii sanadkaan ka dambeeyana waa in arrintaan jiho maangal ah oo isla ogol ah loo dhigaa.

Hagaajinta Mustaqbalka carruurtu waa keydka ugu weyn Qarannimada.