Maxkamadda G/Banaadir oo maanta arrin la yaab leh ka shaacisay kiiska Gurbiye

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda gobolka Banaadir oo markii labaad maanta la horgeeyey Wariye Cabdicasiis Axmed Gurbiye ayaa markale dib u dhigtay dhageysiga kiiska dacwadda loo heysto wariyahaasi oo ka tirsan shaqaalaha Goobjoog.

Maxkamadda ayaa sheegtay inay guda geli karto kiiskan, iyada oo dalbatay in la waafajiyo qodobka 71-aad ee xeerka ciqaabta Soomaaliyeed.

Sidoo kale garsooraha maxkamadda gobolka Banaadir ayaa su’aal yaab leh ka keenay kiiska Wariye Gurbiye, isaga oo fadhigii maanta ka shaaciyey inaysan weli cadeyn cida soo eedeysay Wariyaha oo horey loogu xiray xabsiga dhexe ee Xamar.

Sidoo kale garsooraha oo ku celiyey xeer ilaalinta dacwaddaasi ayaa ka dalbaday inay sida ugu dhaqsiyaha badan soo cadeeyaan cidda uu u dacweysan yahay Gurbiye.

Go’aanka ay qaadatay maxkamadda ee ay dib ugu celisay xeer ilaalinta kiiskaasi ayaa waxaa durbo soo dhoweeyey qaar ka mid ah ururada saxaafadda ee ka jira Muqdisho.

Si kastaba ha’ahaatee Cabdicasiis Axmed Gurbiye oo ah tafaftiraha Goobjoog FM ayaa horey waxaa loo sheegay inay soo eedeysay Villa Soomaaliya, kadib markii uu warbixin xasaasi ah oo ku aadan sida loo xakameeyey Covid-19 uu ka qoray dowladda Somalia.