Xiisadda ka dhex-taagan Somaliland iyo Puntland oo ka dartay iyo dagaal dhacay

Hargeysa (Caasimada Online) – Xiisada u dhaxeysa Somaliland iyo Puntland ayaa maanta markale sarre u kacday xili ay xukuumada Muuse Biixi ay ciidamo iyo gaadiid dagaal ay geysay deegaano ka tirsan Cayn.

Somaliland ayaa ciidamo ku hubeysan gaadiid dagaal geysay deegaankaasi, xili ay magaalada Buuhoodle ku sugan yihiin wafdi ka tirsan Puntland, oo xiisad adag kala dhaxeyso.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Ciidamada Somaliland oo watay Sagaal gaadiidka dagaalka ah ayaa gaaray deegaankaasi, iyaga oo ku gooyayna waddo muhiim ah oo ay marayeen wafdiga Puntland.

Sidoo kale waxa is hortaaga wafdiga Puntland kala qeyb qaatay ciidamada Somaliland ee tagay deegaankaasi, Maleeshiyaad hore ugu sugnaa duleedka Buuhoodle oo ku biiray kuwa Somaliland.

Ciidamada Somaliland ayaa diiday in wafdiga Puntland oo shalay tagay magaaladaas ay usii gudbaan degaanka Horufadhi oo uu saaka qorshahoodu ahaa inay tagaan.

Waxayna wararku intaasi kusii darayaan in is-rasaaseyn xili kooban socotay ay dhex-martay ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland, kadib markii ay wafdigu ka biyo diideen is hortaagi ay ku sameeyen ciidamada Somaliland.

Xaalada guud ee deegaanadaasi ayaa hadda degan, iyada oo xiisada labada dhinac ee ka dhalatay wafdigaasina la rabo in lagu xaliyo qaab reer, maadama ay dhex-dhexaadin ka galeen odayaasha dhaqanku.