Afar caruur ah oo maanta ku geeriyootay dhacdo naxdin leh oo ka dhacday Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxyeelo isugu jirta dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dhisme soo dumay oo ku yaalla agagaarka xeradii hore ee Maslax ee deegaanka Garasbaaley ee magaalada Muqdisho.

Ugu yaraan afar caruur ah ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhinteen dhacdadaasi, haweeney kalena ay ku dhaawacantay, kadib markii uu ku soo dumay darbigaasi.

Ilo deegaanka ah ayaa Caasimada Online u sheegay in xilliga uu soo damayey dhismaha ay caruurtaasi iyo qoysaskooda uga u koranayeen roob islamarkaana caruurta geeriyooday ay hoos jiifeen dhismahaasi

Sidoo kale dadka aan la hadalnay ayaa sheegay in caruurta dhimatay ay saddex yihiin gabdho, kuwaas oo isku qoys ahaa, halka midka afaraad uu wiil yahay.

Duleedka Muqdisho ayaa waxaa dagan qoysas badan oo barakacayaal ah, kuwaas oo aan xilligan heysan meel ay kaga gabaadsadaan qabowga iyo dhaxanta dhaceysa.

Si kastaba ha’ahatee dhacdadan ayaa qeyb ka noqoneyso khasaaraha ay sababeen roobabkii xoogaan 48-kii saac ee la soo dhaafay ka da’ayey magaalada Muqdisho.