Maxay PUNTLAND ka tiri hadalkii wasiir Goodax Barre?

Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka waxbarashada dowlad goboleedka Puntland, Mudane Cabdulahi Maxamed Xasan ayaa ka jawaab celiyey hadalkii dhowaan ka soo yeeray wasiirka wasaaradda waxbarashada Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ee ahaa in dowladda federaalka aysan shahaado siin doonin ardayda Puntland.

Wasiirka waxbarashada Puntland ayaa tilmaamay in Goodax Barre uusan awood u laheyn inuu shahaadooyinka ka hor istaago ardayda Puntland, balse wuxuu carabka ku dhuftay haddii ay shahaadadu tahay mid uu isagu leeyahay uu diid karo, sida uu hadalka u dhigay.

”Shahaadadu hadday tahay mid uu leeyahay wasiir Goodax Barre, isagay ayay xor tahay inuu diido, balse haddii ay tahay shahaado Soomaaliyeed awood uma lahan inuu ka hor istaagi karo ardayda Puntland.” ayuu yiri wasiir Cabdulahi Maxamed Xasan.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in hadallada wasiir Goodax Barre ay niyad jabinayaan ardayda Soomaaliyeed ee waxbaratay, gaar ahaan kuwa maamulka Puntland, isaga oo xusay inay dad badan oo aqooyahano ah ay ka xumaadeen jawaab uu siiyey gabar ka mid ah ardayda Puntland ee sanadkaan gashay imtixaanka shahaadiga.

“Runtii, waxaan aad uga xunnahay sida uu wasiirku ugu jawaabay gabadh kamid ah ardayda Puntland ee sanadkaan gashay imtixaanka shahaadiga. Waxaa noo muuqatay inuu si aqoon la’aan ah ugu jawaabay ardayadaas oo uu niyad jabiyay. Dad badan oo aqoonyahanno ah oo garanaya nidaamka federalka iyo waxbarashada ayaa ka xumaaday hadalkiisa,” ayuu markale yiri wasiirku.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo shalay wasiirka waxbarashada xukuumadda Soomaaliya uu markale ku celiyey in aysan shahaado siin doonin ardayda imtixaanka ku galeysa deegaanada Puntland, maadaama aysan qeyb ka aheyn imtixaanaadka qaran ee ay qaadeyo wasaaraddiisa, waxaana hadalkaasi uu dib u soo celiyey khilaafka 2 dhinac.