Yaa go’aan ka gaari kara aayaha madaxweynihii hore ee DDSI Cabdi Iley?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia Cabdi Cumar ayaa weli ku jira gacanta dowlada Ethiopia, kadib markii dhawaan lagala baxay halka uu ka degnaa magaalada Jigjiga.

Xildhibaan Khadar Cabdi Ismaaciil oo kamid ah Xildhibaanada maamulka Dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia oo u waramaayay Idaacada VOA ayaa sheegay in Madaxweynihii hore ee maamulka uu yahay mid wali ku jira gacanta Ethiopia.

Xildhibaan Khadar Cabdi Ismaaciil waxa uu sheegay in xaalada Cabdi Cumar ay tahay mid wanaagsan, isla markaana aan qabin wax dhibaato ah, sida uu hadalka u dhigay.

Mar wax laga weydiiyay waxa uu noqon doono mustaqbalka Madaxweynihii hore Cabdi Cumar ayuu sheegay in mustaqbalkiisa uu yahay mid xiligaan ku jira gacanta maamulka cusub ee dowlad deegaanka Soomaalida iyo Waxgaradka.

“Cabdi Cumar wax dhiba maqabo waxa uu ku jiraa gacanta dowlada xaaladiisuna aad ayey u wanaagsan tahay”

“Mustaqbalka Cabdi Cumar hade waa mid iska muuqda waxa uu ku jiraa gacanta maamulka iyo waxgaradka oo iskaashada mana filaayo inuu la kulmi doono wax dhibaato ah”

Xildhibaan Khadar Cabdi Ismaaciil, waxa uu sheegay inuu isku soo beegmay xarigiisa iyo isbedelada ka dhacay deegaanka maamulka, hase yeeshee waxa uu rajo wanaagsan ka muujiyay dib u helida xoriyadiisa.

Dhinaca kale, waxa uu sheegay in dhankooda ay ka muujin doonaan dadaal lagu dalban doono sii deynta Cabdi Cumar oo loo heysto tacadiyo uu geystay maamulkiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com