Yaa ka dambeeya dagaal beeleedyada ka socda Galgaduud iyo Mudug?

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda warfaafinta dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Shire Falagle oo la hadlay warbaahinta ayaa si adag uga hadlay dagaal beeleedyada ka soo cusboonaaday gobollada Galgaduud iyo Mudug.

Ugu horreyn wasiir Falagle ayaa wax laga xumaaday dagaalladaasi oo galaaftay nolosha dad badan oo rayid ah, kuwa kalena ay ku dhaawacmeen.

Sidoo kale ku eedeeyey in horinta colaad beeleedyada haatan ka taagan deegaanada Galmudug ay ka dambeyso kooxda Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay.

Falagle ayaa shaaciyey in u jeedada laga leeyahay ay tahay kaliya in la la wiiqo howl-gallada ka socda gobollada Galgaduud iyo Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

Wasiirka warfaafinta Galmudug ayaa sidoo kale ugu baaqay dhinacyada dagaalamaya inay joojiyaan dirirta, wax welibana ay ku dhammeeyaan wada-hadal iyo deganaan.

Waxa kale oo uu hoosta ka xariiqay in ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ay guullo ka gaareen howl-galladii ugu dambeeyey ee ay fuliyeen, islamarkaana ay haatan ku sii jeedaan degmada Ceelbuur oo ka tirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

“Markii aan guulo ka gaarnay Al-Shabaab waxa ay culeys Beelaha ku saarayaan sidii ay u dagaalami lahaayeen, Koofurta Mudug & deegaannada kale waxaa ka dhacay dagaallo lagu wiiqayo baacsiga cadawga, sidaas awgeed cid kasta oo ku lug yeelata waala maxkamadeyn doonaa,” wasiir Axmed Shire Falagle.

Galmudug ayaa muddooyinkii dambe wajaheysay culeysyo uga imaanayey dhinaca dagaalyahanada Ururuka Al-Shabaab oo marar kala duwan weeraro ku soo qaaday garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusamareeb iyo deegaano ka tirsan maamulkaasi.