Yaa mudan in laga cabsado? Xukuumadda mise shaqsiyaad huwan magac qabiil?

Basharka waxaa lagu abuuray cabsi ay ka baqaan wixi naftooda ama jiritaankooda khatar ku ah.  Waa macquul in libaax laga cabsado laakin ka warran ninki mukulaal ka cabsada…culumada cilmi nafsiga waxay ku qeexeen qofkaas oo kale inuu yahay qof dhiman oon caqligiisu kaamil ahayn. Dhinaca kale,bal ka warran haddii libaaxi ka cabsado mukulaal, taasi ma tahay wax caqligu oggolaan karo, haddey dhacdana maxaad ku fasiri lahayd!!!

Arartaan waxaa loola jeedaa in xukumadda maanta ka talisa dalka oo la filaayay inuu qof waliba ka cabsado hadduu dembi ku jiro iyo haddii kaleba… laakin nasiib darro, waxaad moodaa inay xukumadi awooda fulinta heysatay ay ka cabsato shakhsiyaad  ku hubeysan magac qabiil oo aan aqoon ama dareensaneyn awoodooda intey la egtahay.

Siyaasiyiin ku xarragonaya dembiga ugu weyn ee dal laga galo oo ah KHIYAANO QARAN oo laga filaayay inay dhuuntaan ayaa handadaad iyo cagajugleyn ku haaya xukuumadda.  Waryaa u sheega in awooda ay heystaan wasaaradaha dowladda  ee u xilsaaran howlaha nabadgelyada ay u furan tahay waddo ay sidey doonaan ugu socon karaan, waase haddii ay yaqaaniin  ama ogyihiin howsha loo igmaday.

DHINACA KALE, AAN SOO QAADANNO HAL DHACDO OO LA YAAB LEH MARKA LAGA QIYAASO XALADDA AAN MAREYNO.  Waxaad arkeysaa in jidka isku xira Xamar iyo Afgooye ay gooyeen gawaari xamuul ah oo meesha ku xayiran muddo ka badan 8 maalmood iyadoo laga rabo inay bixiyaan lacago anshuur iyo  baad isugu jirta oo ay leeyihyiin maamulka Koofur Galbeed!!!  War aaway Dowladdi Dhexe ee laga sugaayay inay ku xalliso arrimahaas muddo gaaban si aysan u xirmin waddada halbowlaha u ah caasimada Xamar ooy badeecada oo dhan u soo marto..

Ma jiraan Wasaarado u xilsaaran howlahaas oo kale?  Aaway Wasaaradi Arrimaha Gudaha federaalka mase waxa looga baqaa  inuu Shariif Xasan xanaaqo oo dowladda khatar geliyo, waayoo waa nin “Capo Ladro” khatar ah oo ilaa iyo manta aan lahayn Madxweyne ku-xigeen!!! Waa la ogaa wixi qabsaday kuwi mooshinka ka weday!!! Ciddi isku dayda inay ka soo horjeesatana uu dhulka la goynaayo siduu ula gooyay Madaxweyne Farmaajo berigii uu R/Wasaaraha ahaa..Shariif Xasan waa Guddoomiyihii barlamaan ka koobnaa 550 xildhibaan uu inta xirtay furaha jeedkiisa ku ritay waxbana laga qaadi waayay ilaa dowladdi ka dhacdo.

Waxaa waajib ah in C/raxmaan C/shakuur  la xasuusiyo in dembiga uu ku jiro aysan ka cafi Karin xassuqi loo geystay dhallinyaradi gurigiisa lagu dilay iyagoon, sida la xaqiijiyay, aan wax dembi ah gelin.  Waxaa la filaayay inuu C/raxmaan leeyahay aqoon ku filan waxaase caddaatay taas caksigeeda kaddiib markuu afkiisa isku eedeeyay ayna lu cadaatay wixi lagu tuhmaayay.Waxaan u sheegeynaa siyaasiga xikmadi carabiga ahayd ee ALCILMU YAXRUSUKA WAL MAL MAAL TAXRUSUHU oo micnaheedu yahay AQOONTA IYADAA KU ILAALISA MAALKANA ADIGAA ILAALIYA .

Haddaba, aqoontaadu haddey kaa badbaadi weyso waxa laguu heysto aqoontu waa kugu yar tahay ama waa larradan tahay .

Geesta kale,waa nasiib darro in Maxkamadda Gobolka Banaadir ay ku lebisato awoodi ay lahaan jirtay Maxkamadi Badbaada ee xilligi kacaanka oo go’aankeeda aan laga hadli Karin wax racfaan ahna aan laga qaadan karin.

Xukuumadda manta jirta waxay ka cabsanee in haddii ay tallaabo sharci ah ka qaado kuwa dalka khayaanada ku haya oo ka mid yihiin Madaxweynayaasha maamul goboleedyada, xildhibaano iyo qaar kale inay u adeegsadaan hubka kaliya ay heystaan oo ah MOOSHIN  laga keeno Madaxweynaha iyo xukuumada. Waxay dowladdu illawsan tahay in dadweynaha dalka ku nool oo dhan aysan aqbali Karin sidey wax u socdaan iyo kalsooni xumida heysata xukumadda oo aan isku kalsooneyn sharciga dalka u yaalla aan ku dhaqmi karin cabsi awadedd iyagoo heysta kalsoonida shacabka oo dhan.

Waryaa Xeer Ilaaliyaha xasuusiya in tallaabo ka fiican tii lagu qaaday guriga C/raxmaan la heli karay si dhib yarna lagu soo xiri karay iyadoon hub iyo xasuuq la adeegsan.

MA LA HAELI DOONAA GARSOOR AY U DHAN TAHAY GARASHO IYO GARAAD XAMAARSABN GEESINIMO OO ADEEGSADA AWOODA SHARCIGA OON LA GANBAN GO’AANADIISA.

W/Q: Axmad Calasow

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid