Maxaan ka baran karnaa booqashadii madaxweyne Farmaajo?

Garoowe (Caasimada Online) – Booqashadii ugu danbaysay ee Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo ku yimid Puntland waxaa lagu soo dhoweeyey si heer sare oo aan loo kala harin, waxayna muujiysay taagero niyadda kasoo go’day, shacabka soo dhawayntaasi kama lahayn dano u gaara aan ka ahayn dareen ka dhex-guuxaya oo ah inay u heelanyihiin dowlad dhexe oo awood leh oo shaqaysa, sharaftii, karaamadii, iyo kala danbeyntii dib u soo celisa.

Waxaa ifaafale wanaagsan muuijinaya in shacabku bisayl dhinac walaba ah gaaray, uuna ka gudbay wax inuu ku qiimeeyo waxyaala aan dan ugu jirin (sida qabiil iyo danaysi ) oo aan saamayn toosa ku yeelanayn oo aan taabanayn nolashiisa.

Shacabku maanta waxa uu gaaray heer wax uu ku qiimeeyo, yaa daacad ii ah? yaa dareenka ila wadaaga? yaa nolashayda wax ka baddalya?, yaa haybaddi iyo sharaftii dowladeed soo celinaya?, yaa amnigayga sugaya? yaa ii fududeenaya gooba caafimaad tayo leh oo aan awoodo? yaa waxbarasho tayo leh oo dadku wada awoodaan hirgalinaya oo uusan qofna uga baaqsanayn waxbarashada inuu sabool yahay?

Booqashadii taariikhiga ahayd ee uu Madaxweyne Farmaajo ku marayay deegaanada kala duwan ee Puntland oo loogu magacadaray “Socdaalkii dib-u-heshiinta” Waxaa iiga soo baxay in;

1. Gobolada Puntland ay ku wayntahay somaalinimada, u qareemidda midnimada umadda, ku hal-adkaanta wixi danta guud ah oo in badani cod iyo cududba ay ku muujiyaan hirgalinteeda,taasina waxaa nagaga filan dhacdooyin badan oo ku taxan sooyaalka taariikheed ee na soo maray waxaana ka xusi karnaa.

  • Halgankii Daraawiishta ee uu hogaaminayey Sayid Maxmed Cabdalla Xasan saldhig waxaa u ahaa Gobolada Puntland , bilawgii halgankaasi soo dhowayn balaadhan ayuu kala kulmay degaanka, markuu halgankiisi kaweeciyay tubtii toosnayd , seeftiisii cadawga ku wajahnaynda ay noqatay mid maatada shacabka iyo maxasta lagu warjeefo, tani waxay keentay in aan loo dulqaadan gobood falladii, waxaana lagaga hor yimid guluf dagaal, waana sababtii ugu waynayd ee keentay in ay soo afjaranto dagaaladii uwaday siyadku.
  • Waxaa kaloo xusid mudan in puntland taageero aan kala har lahayn ay umuujiyeen shirkii dib uheshiinta ee carta iyo dowladdi ka dhalatayba , c/llaahi yuusuf oo puntland hogaaminayay waqtigaa ayaa isku dayay inuu hor istaago rabitaanka shacabka taasina waxay kala horyimaadeen diidmo go’aankii uu ka qaatay hogaankii markaa jiray.
  • Waxaa nasiib darro noqotay in dowladdii Carta ee loo hanwaynaa ay ku horkuftay jilaaftooyin ay maleegan qabqablayaal markaasi awood ku lahaa caasimadda , C/qaasimna dhiniciisa ayuu qayb ka ahaa burburkaa , kadib markuu ka weeciyay maamulkiisa hadafki loo dhisay uuna ka qayb qaatay weerarkii lagu qaaday kismaayo oo beelaha u dhaxeeyay, tani waxay keentay in shacab waynaha puntland ay kala laabtaan kalsoonidi ay siiyeen C/qaasim.

Hordhacaas ka bacdi, xilli taariikheedkan taagan markale ayey reer Puntland waxay cusboonaysiinayaan halganka ay ugu jiraan raadinta dowladad Soomaaliyeed oo shaqaysa waxay si la yaab leh oo kal iyo laab ah , qiiro wadaniyadeed ku dheehantahay u soo dhoweeyeen Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo, waxaa iswaydiin mudan , shacabku taageerada intaa le’eg ay umiijiyeen maxaa keenay ? waa maxay fariinta ku daahsoon taageeriddaan soo wada jiidatayy indhaha guda iyo dibadba? maxay kusii socon kartaa, maxaase caqabad ku noqan kara?

Su’aalaahaas iyo kuwa ka badanba waa kuwa ka dhex-guuxiya muwaadin kasta oo jecel rabana inuu arko dowladnimadii oo ka guuleystay fowdada dowlad la’aanta.

Taageeradaa waxa ay ku timid ka dib marki madaxwaynaha la arkay daacadnimadiisa niyad wanaagiisa, inay dadka u simanyihiin iyo inay ka go’antahya haybaddii iyo sharaftii umadda inuu dib u hanto.

Shacabka Puntland waxay direen farriin xambaarsan dhambaalo wadaniyadeed Inay horumuud u noqonayaan waddo kasta oo saxsan oo dowladnimo lagu baadi goobayo.

Inaysan aqblayn mucaarad danayste ah shilimaadku uu kala mug weynyihiin Dowladnimada iyo Qaranimada.
Waxyaalaha fashilin kara maamulkaan oo uu ku waayi karo Madaxwaynuhu shacabiyadda uu ka kasbaday shacab weynaha waxaa ka mida:-

  • Asagoo ka run sheegi waaya qorshayaashii uu shacabka la wadaagay oo la yimaada ficillo hareer marsan wixi laysla ogaa.
  • Dhulkuu maray Madaxweynuhu waxaa looga baahanyahay horumar mashaariiceed sida wadooyin laamiya, dekaduh, garoomo diyaaradeed, dugsiyo, isbitaalo, iyo wax allaale wixii dowlad adeeg bixin jirtay hadii laga waayo oo dowladisu fadhiid ku noqoto Muqdisho ayaduna waxay keenaysaa rajo beel iyo fursad kale oo naga lunta, saas daraadeed bay magaalo kasta uga codsanaysay Madaxweynaha inuu mashaariic u dhagax dhigo.

Kooxdii kala shaqeysay inuu ku guulaysto Madaxweynanimada, oo ka awoodbata madaxwaynaha lana soo baxa qorshayaal u qarsoonaa oo ay ku mashquulaan hanti aruusasho iyo boob , colaadin beeleed iyo u adeegidda dan shisheeye Xiligaan la xardhay qormadaan waxaa dhow Sanad jirsigii xilka Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo illaa hadda tubta toosan baan cagta ku haynaa ilaahay waxaan ka rajaynaynaa dowladnimo sax ah iyo caddaalad na wada deeqda.

W/Q. Liibaan Axmed Shire

Agaasimaha Macahadka geeska Afrika ee horumarinta iyo cilmi baarista.

FG. Qoraalkan waxa uu ka tarjumayaa aragtida qoraha kor ku xusan, looma fasiran karo tan Shabakada Caasimada Online

Caasimada Online

Xafiiska Garoowe

Caasimada@live.com