Xaaf oo sheegay faa’iidooyin laga dhexli karo socdaalka Farmaajo 

Cadaado (Caasimada Online) – Hogaamiyaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf), ayaa ka hadlay saameynta uu yeelan karo socdaalka Nabadeed ee Madaxweynaha dalka ku maraayo Gobolada Somalia.

Xaaf ayaa tilmaamay in socdaalka Madaxweyne Farmaajo uu isku furi doono qalbiyada Umadda Soomaaliyeed maadaama ay jiraan dadbadan oo aan weli u socdaalin magaalada Muqdisho isla markaana dhaliilsan sababta ay Madaxda ugu sareysa dalka usoo dhaafi la’ yihiin Muqdisho.

Xaaf waxa uu sheegay socdaalka Nabadeed ee Madaxweyne Farmaajo ay faa’ido gaara u tahay dadka ku nool Gobolada oo aan weli arag Madaxweynaha iyo madaxda kale ee la shaqeysa, balse iminka ay yihiin kuwo wax un garanaaya maadaama uu Madaxweynuhu ku booqday Goboladooda.

Waxa uu Xaaf tilmaamay in socdaalka Madaxweynaha uu sabab u noqonaayo in nabada ay kusii faafto Gobolada dalka.

‘’Waxyaabaha laga faa’iidaayo socdaalka Madaxweynaha waxaa kamid ah in amniga guud ee deegaanada uu tagay la sugay halkii aan horay u awoodi weynay iyo dadka deegaanka oo muujiyay baahida ay u qabaan nabada iyo dowlad wanaaga’’

Xaaf waxa uu Madaxweyne Farmaajo usoo jeediyay inuu kordhiyo socdaalkiisa nabadeed ee uu ku maraayo Gobolada dalka, waxa uuna u cadeeyay inay horsed u noqon doonto isku soo dhawaanshiyaha dhammaan Madaxda iyo Shacabka.

‘’Waxaan qabaa in Madaxweynaha u joogto ka dhigo safarada nabadeed ee uu ku tagaayo dhammaan Gobolada dalka, waayo waxaa meesha ka baxaaya khilaafyada maadaama maamul waliba maalintiisa marti loo yahay’’

Haddalka Xaaf ayaa muujinaaya in cilada gaara ay tahay in Madaxda ugu sareysa dalka ay ku ekaadan keliya magaalada Muqdisho oo caasimad u ah dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
Caasimada@live.com