Yuusuf Garaad oo qormo ka sameeyay waxa uu ka fahmay hees cusub oo lagu karbaashayo…

Muqdisho (Caasimada Online) – Saxaafadda, siiba saxaafadda bulshada sida Facebook, ayay dad badani ku dhaliilaan sida ay dadka qaar u adeegsadaan, nooca iyo qaabka wararka ay soo dhigaan iyo faallooyinka ay ka bixiyaan waxa la soo qoro.

Dunida oo dhan ayay dhaliilahaasi dood ka abuureen.  Soomaalida lafteeda dad badan ayaa cabashadaas qaba.

Saaxiibkeey ayaa shalay i dhegeysiiyay Hees  ah wacyi-wadaag oo tusaale u soo qaadaneysa khaladdaadka jira qaarkood.

Waxay ila noqotay in iyada oo qoran aan u soo bandhigo saaxiibbada ku taxan barteyda.

Heesta waxaa ku luuqeysa Deeqa Afro.  Hal-abuurka heestu wuxuu soo koobay qaar badan oo ka mid cabashada social media laga qabo.

Social mediuhu

war hooy sidaa maaha

Qarankana sumee maaha

Kala sooc dadkana maaha

Madaxdii la soo doorto

Eedeyn u saar maaha

War hooy sidaa maaha

 

Sidaad doontid yeel maaha

Fannaaniinta caay maaha

Heesahooda soo qaado

Si xun wax uga sheeg maaha

 

Dumarkeenna Soomaaliyeed

Ceebtooda soo raadi

Sawirradiyo videowga

Ruux kale ka soo qaado

Commentiga ku caay maaha

 

Weriyaha socdaalkaahe

Shacabkiisu sugayaane

Si uu warar u gaarsiiyo

Qoraallada uu soo saaro

Sii kala fasiro maaha

Xumaantana u saar maaha

War hooy sidaa maaha

 

Ruux bukoo sariir saran

Sawirkiisa soo qaado

Dadka saddqa ka aruuri

Hadhowtana ha siin maaha

Heesta waxaad ka dhegeysan kartaa Youtube.  Ku dhowaad milyan jeer ayaa la daawaday.

W/Q: Yuusuf Garaad