Yaa qaadaya mas’uuliyadda halista xooggan ee ka iman karta heshiiska shidaalka?

Inta badan bulshada Soomaaliyeed iyo warbaahinta dalka kuma baraarugsana halista weyn ee ku gadaaman kheyraadka dabiiciga ah ee dalkeenna, gaar ahaan shidaalka. dhowaan waxaa jiray heshiis toddobo xirmo loogu saxiixay Coastline Exploration oo ah shirkad ka shaqeyneysay sahminta shidaalka Soomaaliya, gaar ahaan biyaha fog ee badda. Shirkaddan oo horay loo oran jiray Soma Oil And Gas waxaa la aas-aasay sanadkii 2013-kii, laakiin, magacii ayaa laga bedelay 2018-dii.

Shirkadda Coastline Exploration ayaa websaite-keeda ku qortay heshiiska uu saxiixay wasiirka wasaaradda Betroolka Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed, heshiiska oo ka dhacay hotel ku yaalla dalka Turkiga ma jirin xog badan oo markaas kahor laga hayay, laakiin waxyar kadib markii shirkaddu qoraalka sii deysay ayaa waxaa isna twitter-kiisa ku sheegay wasiirka Betroolka Soomaaliya, waxa uu sidoo kale Cabdirashiid Maxamed uu intaa ku daray in madaxweynaha uu la ogaa heshiiska uu saxiixay.

Qoraal uu soo-saaray madaxweyne Farmaajo ayaa lagu sheegay in warka kasoo baxay wasiirka Betroolka uu yahay mid aan sax aheyn, Farmaajo ayaa sidoo kale laalay heshiiskaas, kuna tilmaamay sharci darro. Ra’iisul wasaare Rooble yaa si lamid ah tallaabada uu madaxweynahu qaaday sameeyay.

Heshiiska kahor maxaa dhacay?

Bishii December 2020-kii waxa uu shir ka dhacay dalka Turkiga, waxaa shirkaas ka qeyb-galay shan xubnood oo ka socday wasaaradda Betroolka iyo madax ka socotay Hey’adda shidaalka ee Soomaaliya (Somali Petrol Authority- SPA). sida ay ii sheegeen dad shirka ka qeyb-galay oo diiday in aan magacooda xigto, wasiirku qorshaha kuma jirin in uu shirkaasi yimaado, laakiin, waxa uu tegay Turkiga, kadibna waxa uu xubnihii Soomaaliya ka socday ee shirka joogay  u sheegay in uu saxiixayo heshiis, arrintaasi waxaa ka dhashay khilaaf ugu dembeyn sababay in Soomaaliya lagusoo laabto, iyada oo aan wax is-af-garad ah la gaarin.

Mar kale ayaa waxaa magaalada Muqdisho soo gaaray mas’uuliyiin ka socday shirkadaha Liberty iyo Coastline si loola galo heshiis dhanka shidaalka ah. Liberty ayaa qorsheyneysay in loo saxiixio seddex xirmo oo ku kala yaalla Galmudug iyo Jubaland, halka Coastline Exploration loo saxiixi lahaa toddobo xirmo oo ku kala yaalla Galmudug, Koonfur galbeed iyo Jubaland.

Heshiiska oo xafladdiisa lagu diyaariyay Xarun ku taalla gudaha Garoonka diyaaradaha ayaa dhici laheyd 04-Janaayo, 2021-dii, laakiin, lama saxiixin sababo la xiriiro culeys ka yimid beesha caalamka, taas oo Soomaaliya ku qasabtay in heshiiskaas ay ka baaqsato. 

Sida Ilo xog-ogaal ah ay ii sheegeen Xeer-ilaalinta Soomaaliya waxay horay ugu yeereen mas’uuliyiin ka tirsan SPA, iyadoo maantana lagu wado in uu hor-tego wasiirka Betroolka Soomaaliya.

Haddaba, waxaa jira su’aalo u baahan in si weyn looga jawaabo oo mudan in xeer-ilaalintu muhiimad siiso, kuwaas oo dan u ah Qaranka & bulshada Soomaaliyeed, si looga baaqsado in lagu takrifalo kheyraadka shidaalka Soomaaliya, weydiimaha ayaa kala ah: 

1- Maxaa qasbay in wasiirku uu saxiixo heshiiskan oo horay looga baaqsaday in Muqdisho lagu saxiixo?

2- Wasiirka ma keligii ayaa arrintaan ku dhaqaaqay, mise sida uu sheegay mas’uuliyiin ka sarreysay ayaa arrintaan ku lug yeelan kara?— Haddii uu jiro mas’uul amray ma jiraan cadeymo qoraal ah oo la hayo? 

3- Haddii loo baahdo in dad xilal sare haya su’aaalo la weydiiyo, suura-gal ma tahay in madaxweyne Farmaajo uu dhankiisa wax aan aheyn beeninta hadalkii wasiirka uu miiska soo saari karo?

4- Heshiiska la saxiixay culeys intee la’eg ayuu dalka ku yeelan karaa sharci ahaan, ganacsi ahaan iyo siyaasad ahaanba?

5- Su’aalaha weydiinta xeer-ilaalinta maxaa daba socon kara oo lagu qancin karaa dadweynaha Soomaaliyeed? 

Haddaba, sida arrintaan ay meel adag isaga taagto xeer-ilaalinta ayaa waxaa ka dhalan kara laba arrin oo muhiim ah, kuwaas oo kala ah: 

*In qof walba uu ku dhiirran  in uu ku takrifalo awoodda dowladeed ee uu hayo & kheyraadka dalka.

*Ama in laga fogaado wax walba oo qatar ku ah Qarankaan dib u dhismaya ee la tiicaya dhibaatooyinka amni, dhaqaale iyo siyaasadeed. 

Si kooban xeer-ilaalinta Soomaaliya waxaa la dhowrayaa sida ay ula macaamilaan kiiskaan oo ay indhaha ku hayaan bulshada Soomaaliyeed, kaas oo ah hal-xiraale la dhowrayo sida ay u furaan!