25.9 C
Mogadishu
Tuesday, June 24, 2025

Yaa toogtay xildhibaankii maanta la dilay? + Sawirro

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dilka magaalada Baydhabo loogu geystay xildhibaan ka tirsanaa baarlamaanka Koonfur Galbeed islamarkaana ahaa guddoomiyihii guddiga amniga Koonfur Galbeed.

Warar is khilaafsan ayaa kasoo baxaya cidda rasmi ahaan kaga dambeysay dilka xildhibaanka oo lagu magacaabayay C/Shakuur Yacquub Ibraahim oo ahaa guddoomiya Amniga ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed.

Xildhibaanka ayaa la sheegay inuu kamid ahaa xubno u istaagay saaka sidii xiisadda loo qaboojin lahaa, balse rasaas kaga dhacday oogada sare ee jirkiisa ayuu u dhintay, sida goobjoogayaal ay xaqiijiyeen.

Wararka qaar ayaa sheegaya in xildhibaanka ay toogteen ciidamada booliska Koonfur Galbeed ee ka hortagayay rabshadaha ka socdo magaalada, halka wararka kale ay sheegayaan in ciidamada ilaalada u ahaa Mukhtaar Roobow ay toogteen.

Dilka Xildhibaanka, ayaa ka dhacay Nawaaxiga Saldhiga Boooliska baydhabo, kaasoo ku dhow Madaxtooyada Koonfur Galbeed, waana ta keentay shakiga ugu badan ee ah in ciidamada booliska ay toogteen.

Xaalada magaalada ayaa wali kacsan, waxaana mararka qaar la maqlayaa rasaas ka dhaceysa xaafadda Horseed iyo agagaarka Garaash ku dhow guriga uu deganaa Mukhtaar Roobow.

Ma jiro wax war ah oo wali dowladda Soomaaliya ay kasoo saartay qalalaasaha kasoo kordhay magaalada Baydhabo oo galay maalintii Labaad.

Haddii Xasaradahan ay sii socdaan waxaa halis ku jirta doorashada madaxtinimada Koonfur Galbeed oo shan maalin kadib la filaayo inay ka dhacdo magaalada Baydhabo sida guddiga doorashada ay sheegeen.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News