Yaa W/Arrimaha Gudaha kor-joog uga ah soo xulista xildhibaanada HirShabeelle?

Jowhar (Caasimada Online) – Caasimada Online ayaa ogaatay in ilaa hadda cid ka socota Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya aysan tagin magaalada Jowhar ee xarunta dowlad gobaleedka HirShabeelle oo ay ka socoto soo xulista baarlamanka labaad ee HirShabeelle.

Wararka ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in maamulka HirShabeelle oo kaliya uu iska wato dhismaha iyo soo xulista baarlamanka, oo la filayo in lagu dhowaaqo saacadaha soo socda, iyadoo aysan jirin cid goob joog ah oo ka socota Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya iyo Beesha Caalamka, waxeyna arrintaan sababi kartaa in ay sii adkaato xaaladda HirShabeelle.

Waxaa isa soo taraya qeyla dhaanta beelaha iyagoo sheegaya in aysan heysan madaxbanaani halka qaarkoodna ay sheegeen in laga tagay xubnihii ay usoo xusheen kuraasta beesha, islamarkaana lagu badashay shaqsiyaad kale.

“Waa qasab in wasaaradda arrimaha gudaha goobjoog u ahaato soo xulista baarlamaanka, waana qeyb kamid ah awoodaha wasaaradda, haddii ay ka maqantahay xubnahana la shaaciyo waxaa dhici kara cabashooyin badan iyo musuq-maasuq ballaaran,” ayuu yiri Prof. C/risaaq Jimcaale oo la hadlay Caasimada Online.

“Haddii maamulka loo gaar yeelo laguna kor joogtaynin sida howshu u socoto waxay rabaan ayey sameyn karaan mana noqon doonto doorasho hufan oo cadaalad ku dhacda sababtoo ah waxaa maqlayaa in ay madaxda qaarkood musharax yihiin,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Prof C/risaaq Jimcaale.

Wararka ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in xubno ka socda xafiiska taliyahay hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ay joogaan Jowhar islamarkaana ay yihiin kuwa ugu saameynta badan ee soo xulista baarlamanka, halka sidoo kalane ay joogaan Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo iyagana shaqsiyaad wato.

Wasaraadda Arrimaha Gudaha, ayaa muddo ku dhow saddex bil aheyd mid aan shaqeyn sababo la xiriria wasiirkii hore oo tan iyo markii xilka laga qaaday Kheyre gees looga riixay shaqadiisa, maadaama uu ku dhowaa ra’iisul wasaarihii hore, halka wasiirka cusubna uu jiro toddobaad kaliya.