Xog: Heshiiska lagu hoos geynayo DF ee keenya in SOMALILAND ay joojiso wada-shaqeyntii QM

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo madaxweyne Muuse Biixi ayaa bishan gudaheeda soo saartay labo go’aan oo culus, kuwaasi oo ka dhan ahaa Qaramada Midoobay, isla markaana ay ku joojinaysa wada-shaqeynteeda.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, xukuumada Somaliland ayaa wada-shaqeynta Qaramada Midoobay u joojisay heshiis wada-shaqayneed oo ay dhawaan kala saxiixdeen Qaramada Midoobay iyo dowladda Soomaaliya.

Heshiiskaasi ayey Somaliland u aragtaa mid lagu hoos geynayo dowladda federaalka, isla markaana wiiqaya qaranimadeeda, maadama ay ku doodo inay tahay dal madax-banaan, sida uu mas’uul ka tirsan xukuumada Muuse Biixi u sheegay Caasimada Online.

Wasaaradda qorsheynta iyo horumarinta Somaliland ayaa soo saartay bishan gudaheeda labo wareegto oo ku kala taariikheysnaa 17-kii iyo 25-kii October, kuwaasi oo ahaa go’aamo ay ku joojineyso xiriirka wada-shaqeyneed ee QM.

Xukuumadda ayaa markii hore sheegtay inay joojisay dhammaan howlaha Qaramada Midoobay ee la xiriira dejinta qorshayaasha heshiiska wada-shaqaynta horumarinta waarta ee loo yaqaan (UNCF).

Iyada oo midka go’aankeeda labaadna ku shaacisay in xukuumadda Somaliland ay deegaanadeeda ka mamnuucday dhammaan hay’adaha hoostaga Qaramada Midoobay, isla markaana lagu hakiyey wada-shaqeyntooda.

Go’aanada Somaliland ee ay ku joojinayso wada-shaqeynta Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay mid ay uga jawaabeyso faro-gelin ka dhan ah madax-banaanida ay ku doodo.

Hay’adaha kala duwan ee QM ayaa howlo horumarineed iyo mid bani-aadanimo oo baaxad leh ka wada deegaanada Somaliland, ilaa haddana ma jirto jawaab celin ay ka bixisay go’aanka Somaliland, iyada oo la soo warinayo inay ka baaran degayso ka fal-celinta go’aanadaasi.