Yaasiin Fareey oo shaaciyay arrin wiiqeysa dagaalka Al-Shabaab oo ka jirta NISA

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Yaasiin Farey oo Agaasime ku meel gaar ah ka soo noqday hay’adda Nabad-sugidda iyo sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa markii u horeysay shaaciyay in uusan jirin sharci lagula dagaalamo argagixisada oo ku dhaqanto NISA.

Waxa uu sheegay in masuuliyiinta iyo howl-wadeenada NISA ay ku shaqeeyaan wax ugu yeeray “is-xilqaan” oo kula tacaalan argagixisada, taasi oo mararka qaarna keenta in lagu xad-gudbo muwaadinka Soomaaliyeed.

“Sharci argagixiso oo dalkaan yaalla ma jirto, argagixisada meesha ay kula gasho waa iska daba meereysaneysaan oo xeer ka yaalla oo la ilaaliyo ama iyagu ka baqaan haba yaraate majiro,” ayuu yiri.

Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa “Waxa kalifaya in dadka dhibaato gaarto waxa waaye argagixsadii oo lala tacaalayo iyo sharci loo maro oo la waafajiyo uusan jirin. Marka shaqada la hayo waa shaqo la yiraahdo is-xilqaan.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in uusan jirin sharci ama xeer kala saaraya qofka caadiga ah ee muwaadinka ah iyo hogaamiyayaasha sare ee Shabaab, taasi oo ah halis hor leh oo aan marnaba lagu ciribtiri karin argagixisada.

“Ninka ugu sareeya kooxaha Khawaarijta iyo qofka caadiga ah wax ay ku kala duwan yihiin majirto. Baarlamaanka ayaa laga raba sharci cadeynaya qofka argagixiso ah wadiiqooyinka uu marayo.”

“Shareecada Islaamka ayaa kala saareysa qofka Khawaarijta ah ee lidi ku ah nolosha iyo qofkaan waa qof muwaadin ah, laakiinse dalkeena ayaa laheyn sharci sidaas u kala saaraya oo la dabaqo.”

Hadalka Yaasiin Fareey ayaa imanaya ayada oo dalka uu ka socdo dagaal ka dhan ah Al-Shabaab, waana wax lala yaabo in dal dagaal kula jira argagixisada uusan laheyn sharci lagu dabaqo, si gundhig ugu noqoto howlaha ka dhan ah ee wadaan hay’addaha amniga.