Odayaasha Saleebaan ee lasoo heshiiyay Shabaab oo la keenay Muqdisho + Ujeedka

Muqdisho (Caasimada Online) – Odayaasha beesha Reer Xaaji Saleebaan ee dhawaan heshiiska lasoo galay kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa maanta laga soo dejiyay magaalada Muqdisho, kadib markii diyaarad ay kasoo qaaday magaalada Dhuusamareeb.

Odayaashan oo tiradoodu dhan tahay saddex ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku xirna Dhuusamareeb, kadib markii ay ciidamada ammaanka Galmudug kasoo qabteen magaalada Cadaado.

Odayaasha oo lagu kala magacaabo Sugaal Warsame Cali, Caliyare Axmed Xeyle iyo Cumar Maxamed Jimcaale ayaa Axadii toddobaadkan kasoo muuqday warbaahinta, ayaga oo qirtay inay heshiis lasoo galeen Al-Shabaab, wallow qeybo kamid ah heshiiskaasi iska fogeeyeen.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Odayaashan ayaa Muqdisho loo keenay si loogu maxkamadeeyo, kadib markii hay’adaha amniga maamulka Galmudug ay kusoo wareejiyeen dowladda federaalka Soomaaliya.

Odayaashan oo warbaahinta la hadlay ka hor inta la xirin ayaa qirtay qeyb kamid ah heshiiska oo aheyd in Shabaab ay sii dayso illaa 67 qof oo maxaabiis ahaan ay u heysteen iyo sidoo kalena ay kasoo fasaxeen gaadiid fara badan.

Xariga odayaashan ayaa markii hore waxa qeyb ka aheyd eedeyn culus oo ay usoo jeediyeen waxgaradka iyo cuqaasha reer Xaaji Saleebaan oo dhawaan iska fogeeyay heshiiska ay la galeen odayaashan kooxda.

Marka laga imaado odayaashan inay heshiis lasoo galeen Al-Shabaab waxay beesha sheegtay inay kamid yihiin odayaal horey ugu biiray kooxda Al-Shabaab.

Hoggaanka Kooxda ayaa arrintaan shalay beeniyay kadib shir jaraa’id oo uu qabtay Cali Dheere.

“Nimankaan odayaasha ah ee reer Xaaji Saleebaan ma aheyn saraakiil Shabaab ah ama odayaal Shabaab ee waxay ku magacaaban yihiin Nabadoon waxay soo dooneen nabad ay tolkood u raadiyeen, haddii ay fuliyeen mansabkii ay ku magacownaayeen in lagu dhibaateeyo waa uga tacsiyadeynayna.”

Al-Shabaab oo hore u baahisay heshiiska ay odayaashan kula gashay magaca beesha Reer Xaaji Saleebaan ayaa waxa ku qorna inay ku heshiiyeen odayaasha beesha inay ka hortimaado gulufka dagaal ee socda, kana saarto ciidanka iyo hubkeeda safafka hore ee dagaalka.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey u mamnuucday in wax macaamil ah lala sameeyo kooxda Al-Shabaab, iskaba daa in heshiis lala soo galee, waxayna ballan-qaaday in tallaabo laga qaadi doono ciddii sidaas sameysa.