Lafta-gareen oo shuruud ka yaabisay golaha wadatashiga ku xiray qabashada doorasho

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen oo qeyb ka ah madaxda ku shirsan magaalada Muqdisho, ayaa shuruud adag ku xiray ka tanaasulka muddo kororsiga halka sano ee uu sameystay.

Madaxda Golaha Wada-tashiga Qaranka oo shirkoodii cadaadis ku saaray Lafta-gareen xiisada Koonfur Galbeed ayaa wuxuu u sheegay in doorasho uu qabanayo haddii maamullada kale ay lamid noqonayaan, sid ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay.

Xogta aan helayno ayaa intaas kusii dareysa in shuruuda Lafta-gareen uu ku xiray culeyska uu ka wajahay madaxda shirka ay keentay inaysan ku qasbin qabashada doorasho, balse ay ku cadaadiyeen oo kaliya in uu xal aan dagaal aheyn u keeno xiisada taagan.

“Haddii aan la i dhaafeyn ha la ii sheego oo aan doorasho qabsado koley kaligey ima saameynayso oo raga kale oo dhan doorasho ayaa laga rabi doona ama culeyska gaarka ah ha la iga dhaafo,” ayuu yiri Lafta-gareen sida aan kasoo xiganayno ilo wareedyo muhiim ah.

Lafta-gareen ayaa haddii lagu qasbi lahaa qabashada doorashada maamulka, waxa sidoo kale waxba kama jiraan noqon laheyd muddo kororsiga halka sano ay hore u sameysteen madaxweynayaasha maamulada Jubbaland, Galmudug iyo HirShabelle.

Madaxda dowladda federaalka ee qeybta ka ahaa shirkaan ayaa ka gaabsatay arrintaan, waxaana laga fahmi karaa in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uusan xiligaan rabin in uu galo dagaal ka dhan ah maamul goboleedyada.

Lafta-gareen ayey u badan tahay in uu sanadkiisa qaadan doono, maadama aysan dowladda dhexe heegan u aheyn in maamulada u dirto doorasho waafaqsan muddo xileedkii ay xilalka kula wareegeen.