Mucaaradka K/Galbeed oo ku dhowaaqay go’aan uga sii daraya xiisadda taagan

Baydhaba (Caasimada Online) – Xubnaha mucaaradka ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa weli dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed ka wada magaalooyinka Muqdisho iyo Baydaba, ayaga oo ka soo horjeedo Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-Gareen).

Xildhibaan hore Xasan Black oo ka mid ahaa xubnaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed, isla-markaana hadda ah garabka mucaaradka ee maamulkaas ayaa u warramay Radio Risaala, isaga oo ku sugan gudaha magaalada Baydhabo, wuxuuna ka hadlay xaaladda guud.

Xasan Black ayaa sheegay in dhibaatooyinkii dhowaan ka dhacay magaalada Baydhaba ay mas’uuliyaddooda qaadi doonaan madaxda Koonfur Galbeed, gaar ahaan Lafta-Gareen.

“Masaakiinta dhamaatay ee dhaawacantay ee guryahoodii burbureen Cabdicasiis iyo wixii la hal maala ayaa mas’uuliyadda iska leh, waana lala xisaabtamayaa,” ayuu yiri Black.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ka mucaarad ahaa uu go’aankooda yahay in la qabto doorashada, isla-markaana meesha laga saaro qorshaha muddo kororsiga.

Siyaasigan ayaa shaaca ka qaaday in muddadii xil heynta ee sharciga ay ka dhamaatay madaxweynaha, loona baahan yahay inuu isku diyaarado doorashada & ka qayb-galkeeda.

“Go’aanka aan rabno waa cad yahay Koonfur Galbeed waxay kamid tahay maamul goboleedyada Soomaaliya ka jira afar sano kasta waa inay doorasho dhacdaa, sida Dastuurka ay ku qoran tahay. Afartii sano waa dhamaatay Cabdicasiis waa madaxweynihii hore, wuxuu la mid yahay Shariif Xasan Sheekh Aadan” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Arrintan kasoo baxday mucaaradka ayaa uga sii dareysa xiisadda ka jirta Koonfur Galbeed, maadaama isaguna Lafta-Gareen uu ku adkeysanayo inuu ka dhabeeyo muddo kororsiga.

Koonfur Galbeed ayaa wajaheysa xaalada cakiran iskuna bedashay gacan ka hadal, taas oo ka dhalatay muranka hareeyay doorashada kusoo foodka leh maamulkaasi.