Sanca (Caasimada Online) – Wasaaradda Arrimaha Dibadda Yemen ayaa si cad u beenisay warar sheegaya in dowladda ay damacsan tahay inay iibiso dhismaha safaaraddeeda ku taalla Soomaaliya, xilli ay soo baxeen warar arrintaas ku saabsan.
Wasaaraddu waxay eedaymahaas ku tilmaantay kuwo been abuur ah, oo ay sheegtay inay yihiin qayb ka mid ah olole sumcad-ka-dilid ah oo la soo agaasimay.
Bay’aan uu siiyay warbaahinta Yemen, Wasiirka Arrimaha Dibadda Shaea Mohsen Al-Zendani waxa uu ka hadlay sheegashooyinkaas ku faafaya baraha bulshada iyo warbaahinta qaar. “Waxay isku dayayaan inay sumcad ka-dilaan shaqada Wasaaradda dibedda, oo ay ku jirto xiriirka diblomaasiyadeed ee ay la leedahay dalalka kale,” ayuu yiri Wasiirku.
Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu intaa ku daray, “Waxaan si dhab ah u ognahay in kuwani yihiin eedaymo la soo agaasimay oo aan sal iyo raad toona lahayn.”
Al-Zendani waxa uu xaqiijiyay in xafiiskiisa ay soo gaareen dhowr weydiin oo warbaahineed oo ku saabsan wararkan. Waxa uu ku celiyay in uusan jirin wax qorshe ah oo lagu iibinayo ama lagu kiraynayo hantida diblomaasiyadeed ee Yemen ay ku leedahay Soomaaliya.
Wuxuu wararkaas xanta ah ku sifeeyay inay yihiin “borobagaando aan wax xaqiiqo ah ku dhisnayn.”
Wasiirku waxa uu sidoo kale ugu baaqay hay’adaha warbaahinta inay muujiyaan masuuliyad buuxda marka ay wax tabinayaan. “Wuxuu ugu baaqay warbaahinta inay qaadaan masuuliyadda wixii ay tabiyaan,” ayuu yiri Al-Zendani, isagoo si adag uga digay sii faafinta macluumaadka qaldan.
Inkasta oo dowladda Yemen ay si rasmi ah u beenisay sheegashooyinkaas, haddana Caasimada Online si madax bannaan uma xaqiijin xaaladda lahaanshaha dhismayaasha la sheegayo ama haddii ay jiraan wax qorshe rasmi ah oo lagu iibinayo.
Yemen iyo Soomaaliya waxaa ka dhexeeya xiriir qoto dheer oo taariikhi ah, oo isugu jira diblomaasiyadeed iyo mid dhaqan. Labada dalba waxay soo jireen dekedo muhiim ah oo ku yaalla waddooyinkii ganacsiga qadiimiga ah ee Gacanka Cadmeed.