Yey maslaxad ugu jirtaa xiisadda ka dhex taagan dowladaha Imaaradka iyo Qatar?

Muqdisho (Caasimada Online) – Xiisadda u dhexaysa Imaaraadka iyo Qatar ayaa ayaamahan danbe cirka isku shareertay ka dib markii labada dhinac ay isku maandhaafeen duullimaadyo diyaarado Milateri. Arrintan ayaa khatar gelinaysa danaha istaraatiijiga ah ee Maraykanku ka leeyahay Khaliijka, waxana dhici karta in ay Iran fursaddan ka faa’idaysato.

Abu Dhabi waxa ay sheegtay in diyaaradaha ciidanka Cirka ee Qatar ay joojiyeen labo diyaaradood oo rayid ah oo Imaaraadka laga leeyahay, Dooxana waxa ay ku andacoonaysa in diyaarad Milateriga Imaaraadku leeyahay ay ku xadgudubtey hawadeeda. Labada waddan mid kasta waa uu iska fogeeyey eedaymahan.

Sare u kaca ku yimi xiisadda u dhexaysa labada waddan ayaa walaac ku beeray Washington, 7 bilood ka dib kolkii Imaaraadka, Sacuudiga, Baxrayn iyo Masar ay cunaqabateeyeen Qatar iyaga oo ku eedaynaya inay taageerto isla markaana maalgeliso argagaxisada.

Dibloomaasi reer galbeed ah oo codsaday inaan magaciisa la sheegin ayaa yiri “ Marka aad aragto diyaaradaha Ciidanka Cirka ee Qatar oo ka agdhaw diyaarad rayid ah, waxa ay keeni kartaa shil sababi kara dhimasho dad, sidoo kalena horseedi kara xaalad aan hore looga arag waddamada Khalijka dhexdooda.”

Xoghayaha difaaca ee Maraykanka mudane James Mattis, waxa uu sheegay in xiriirka xumaaday ee xulafadiisa Khaliijku uu caqabad ku yahay dagaalka uu Maraykanku kula jiro Dawdaladda Islaamiga ah iyo “ka hortagga fididda saamaynta sunta ah ee Iran”.

Waddanka Iran waa uu cambaareeyey cunaqabataynta lagu soo rogey Qatar, waxa uuna ku baaqay in xiisadda lagu xalliyo wadahadal.

Khaliijku, istaraatijiyad ahaan waa u muhiim Maraykanka maaddaama oo uu saldhigyo Milateri ku leeyahay Baxrayn iyo Qatarba. Afhayeen u hadlay ciidamada Maraykanka ee fariisinka ku leh Qatar ayaa yiri “Maraykanku waxa uu Qatar iyo Imaaraadkaba u arkaa saaxiibbo muhiim ah oo uu gobolka ku leeyahay,” waxa uuna ku baaqay in xiisadda la qaboojiyo iyada oo xal macquul ah la raadinayo.

Saldhigga uu Maraykanku ku leeyahay Qatar waxa uu door muhiim ah ciyaarayaa haddii [Maraykanku] uu dagaal la galo waddanka Iran oo uu ku eedeeyo inuu taageero argagixisada, halisna ku yahay xasiloonida iyo danaha Maraykanka ee Bariga Dhexe. Iran, had iyo goor, waa ay iska fogaysaa eedaymahan.

Xifaaltan Gobolleed

Sacuudiga, oo ah waddan u badan Sunni, ayaa sidoo kale Iran u arka waddan halis ku ah deganaanshaha iyo xasiloonida gobolka waxa uuna Jamhuuriyadda Islaamiga ah, ee Shiicada u badan, u tixgeliyaa dalka ugu muhiimsan ee kula loolamaya gobolka.

Imaaraadkuna waxa uu u muuqdaa mid meel adag ka taagan ururka Ikhwaanul Muslimiinka oo ay Qatar gacan siiso marka waddamada qaar la joogo. Sidaasi awgeed, waxa uu damacsan yahay in uu Qatar ku ciqaabo taageeradeeda Ikhwaanul Muslimiinka iyo inay siyaasaddeedu ka madaxbannaan tahay waddamada kale ee Khaliijka.

Halista xiisadda Khaliijka

Xiisadda Khaliijku waxa ay halis ganacsi iyo mid amniba ku keeni kartaa reer Galbeedka.

Dibloomaasi kale oo reer Galbeed ah ayaa xusay in waddamada Khaliijka iyo Maraykanku ay sannado badan ahaayeen saaxibbo ganacsi iyo amni, kala qaybsanaantooduna—oo sababi karta dagaal toos ah—ay dan u tahay Iran, Maraykankuna aannu ka dheefayn wax aan khasaare ahayn.

Masuul Carab ah oo dalbaday inaan magaciisa la xusin ayaa hoosta ka xarriiqay in Imaaraadku, maaddaama oo ay Qatar ku loolamayaan gobolka, uu doonayo in cadaadis badan la saaro Qatar si loogu muujiyo in heshiis aan beryahan la gaarayn, cunaqabatayntuna aanay ciyaar ciyaar ku dhammaanayn.

“Sacuudiga iyo xulafadiisa kale cabsi weyn kama qabaan in xiisaddani ay saamayso dhaqaalahooda, Qatar ayaase ku dhibban” ayaa masuulku yiri.

Aragtida Trump ee xiisadda Khaliijka

Trump waxa uu u muuqdaa in uu wax ka beddeley aragtidiisii ku aaddanayd Qatar.

Markii hore waa uu bogaadiyey cunaqabataynta, isaga oo Dooxa ku eedeeyey inay si weyn u maalgeliso argagaxisada. Laakiin bishii September ee sannadkii hore ayaa uu dhexdhexaadin u fideyey labada dhinac, isla bishanna waxa uu teleefan ku wacay Amiirka Qadar, Sheekh Tamiim bin Xaamid Al-taani, si uu ugu mahadceliyo kuna ammaano dedaalladiisa argagaxiso la dirirka ah.

Isbeddelkan aragtiyeed ayaa ku soo beegmaya xilli uu waddanka Qatar beryahan danbe martigelinayey falanqeeyayaal garabka midigta ka tirsan oo ka agdhaw Trump si ay u dheellitirto galaangalka iyo saamaynta Imaaraadka ee Washington.

Ugu danbayntii, xiisadda iyo khilaafka ka dhextaagan waddamada khaliijka wax dan ah uguma jirto Maraykanka, inay sii dheeraatana waxa ay fursad dahabi ah siinaysaa waddanka Iran oo uu Maraykanku u arko cadawgiisa. Iran, si degdeg ah ayay u cambaaraysay cunaqabataynta Qatar lala beegsaday, waxayna u soo gurmatey Qatar iyada oo diyaarado cunto sida u soo dirtay caasimadda Qatar. Wakhtigan la joogana, xiriir aan xumayn ayay la leedahay dalka Qatar.

Isha ugu muhiimsan ee xogta: Reuters World & Goobjoog News