Akhriso: 6 dhacdo oo lagu xasuusan doono sanadka 1-aad oo ay jirsatay dowlada Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa inta badan goobaha lagu shaaho ee ku yaalla magaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka laga hadal hayaa caqabada Siyaasadeed ee lasoo daresay dowlada Somalia tan iyo markii 8 February la doortay Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo.

Dowlada Somalia ee uu Hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo ee sana jirsatay ayaa caqabadaha ugu badan kala kulantay fal celin ka dhalatay talaabooyinka ay qaaday.

Waxaa talaabooyinka ay qaaday mudada ay jirto ka dhashay caqabado aan lasoo koobi Karin, waxaana xusid mudan in caqabadahaasi ay hakat galiyeen shaqooyinka qaar ee dowlada.

Dowlada qudheeda waxa ay qaaday talaabooyin cirka ku shareeray caqabadaha jiray kuwaa oo u muuqday inay ku degdegtay iyadoo aan caga dhigan.

Caqabadaha qaar ayey dadku saadaalinayeen in Somalia ay dib ugu laaban karto halkii ay labaatan iyo dhowr sano ka hor taagneyd Somalia.

Xasuusaha waaweyn ee shacabku dib u milicsankaraan ayaa waxaa kamid ah:

1-Go’aanka ay Dowlada Somalia ka gaartay xiisada ka dhextaagneyd dowladaha Khaliijka ee lagu caburinaayay Qadar.

2-Dhiibista Sarkaalka ONLF C/kariin Qalbi Dhagax oo ay dowladu u gacan galisay Ethiopia.

3-Khilaafyo hareereeyay dowlada iyo maamul Goboleedyada sida HirShabelle iyo Galmudug oo gaaray heerkii ugu adkaa.

4-Xeer ilaaliyaha Qaranka oo soo jeediyay in xasaanada laga qaado laba Xildhibaan oo kala ah Xasan Macalin iyo Saabir.

5-Weerarkii lagu qaaday Hooyga Siyaasiga mucaaradka ee qunyar socodka ah C/raxmaan C/shakuur.

6-Weerarkii lagu qaaday Hooyga gudoomiyaha Gudiga Dastuurka labada Aqal ee baarlamanka Somalia Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid.

Madaxweynaha Somalia ayaa goortii la doortay sheegay in dowladiisa ay xooga saari doonto Siyaasada iyo Amniga gudaha, hase ahaatee waxaa muuqaneysa inay ku dhex jiraan shaqsiyaad danqinaaya boogaha Siyaasadeed ee bogsiinada u baahan.

Si kastaba ha ahaatee, dowlada Somalia ee sanadka jirsatay ayaa looga fadhiyaa in sanadaha u harsan ay marba marka xigta dib u saxdo khaladaadka ka dhaca.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com