Sawirro: Kenya oo musaafurisay Siyaasi caana & Garoomada dalkaas oo laga mamnuucay

Nairobi (Caasimada Online)-Sida ay baahiyeen wargeysyada kasoo baxa dalka Kenya waxaa dalkaasi laga tarxiilay Siyaasi mucaarad ah oo waayadan ku xirnaa Xabsi ku yaalla magaalada Nairobi.

Siyaasigaan oo u dhashay isla dalka Kenya ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Miguna Miguna, waxa ayna saxaafadu sheegtay in loo tarxiilay dalka Canada.

Miguna Miguna, ayaa heysta dhalasho Canadian ah waxaana uu kamid ahaa Siyaasiyiinta miisaanka Siyaasadeed ku dhex leh mucaaradka Kenya.

Miguna Miguna, oo ku jiray Xabsi ayaa waxaa lagu eedeeyay inuu ku kacay fal qiyaano Qaran ah, waxaana sidoo kale loo heystaa inuu qeyb ka ahaa shaqsiyaadkii ololaha dhaarasho ugu jiray hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga.

Dacwada oo ka furneyd Maxkamada ku taala magaalada Nairobi ayey Booliska u wareejiyeen maxkamad ku taala magaalada Kajiado oo 80 km u jirta Nairobi, balse garsoorihii maxkamadda ayaa diiday in uu dhagaysto dacwadda.

Ugu danbeyntii, Mr Miguna Miguna ayaa shalay laga musaafuriyay dalka Kenya, waxaana xusid mudan in gabi ahaan laga mamnuucay inuu kasoo dago Garoomada Kenya.

Natiijada sawirka Miguna Miguna

Sawirka la xidhiidha

Natiijada sawirka Miguna MigunaNatiijada sawirka Miguna Miguna