Shirka Golaha amniga Qaranka oo lasoo gaba-gabeynayo & war-murtiyeed laga soo saarayo

Muqdisho (Caasimada Online)-Shirka Golaha amniga Qaranka oo maalintii Shalay aheyd ka furmay magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu wadaa in lasoo xiro manta.

Shirka oo inta badan looga hadlay qodobadii la qorsheeyay ayaa la filayaa in gelinka dambe ee maanta lagu soo gaba-gabeeyo magaalada Muqdisho.

Shirka oo ahmiyad gaara u leh dowlada ayaa waxaa laga soo saari doonaa war-murtiyeed ku xusan qodobadii lagu heshiiyay mudada uu socdo shirka.

Qodobada Shirka looga hadlaayo ayaa waxaa ka mid ah Dastuurka, dhismaha Ciidamada, Doorashada Soomaaliya ee 2020, iyo qodobo kale, qodobadaan ayaa soo taagnaa mudadii ay dhisnaayeen Golaha amniga Qaranka oo markii hore loogu yeeri jiray Madasha Qaranka xiligii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Wasiirka Gaashaanshigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo shirkan faah faahinayay ayaa sheegay in warbixino laga dhageystay shalay Madaxda Maamul Goboleedyada, Talisyada Ciidamada, Wasaaradaha Amniga iyo Gaashaandhigga.

Wasiirka ayaa sheegay in shirka looga dooday sidii Ciidamada Qalabka Sida ay ula wareegi lahaayeen Mas’uuliyadda amniga ee dalka, oo hada ay gacanta ku hayaan Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM, arrintaasna meel wanaagsan ay mareyso.

Geesta kale, Madaxda ka qayb galeysa Shirkaan ayaa lagu wadaa in ay Caawa ka qayb galaan xaflad loogu dabaal dagayo sanad guuradii ka soo wareegtay doorashadii Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ku beegan maalinta biri ah.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com