DFS oo loogu deeqay Hubka meelaha fog wax ka gumaada & Duleedka Muqdisho oo lagu tijaabiyay

Muqdisho (Caasimada Online)-Sida aan xogta ku heleyno dowlada Federaalka ah ee Somalia ayaa loogu deeqay Hubka aadka u culus ee goobaha fogfog ka gumaada cadowga.

Hubkaani oo lagu jiido gaadiidka dagaalka lagana isticmaalo jiidaha dagaalka ayaa waxaa la kala geeyay dhufeysyada ay ciidamada dowlada ku leeyihiin xuduudaha magaalada Muqdisho.

Hubkaan oo qeybtiisa ugu horeysay la baroobeeyay Habbeenimadii xalay ayaa waxaa la dhigay xero ay ciidamada ku leeyihiin Deegaanka Ceelmacaan ee Duleedka Bari Magaalada Mogadishu.

Ciidamada dowlada gaar ahaan kuwa sida Gaarka ah u tababaran ee Gaashaan ayaa Hubkaasi la sheegay inay baroobeeyen, iyadoo inta badan magaalada Muqdisho ay aheyd mid laga wada maqlaayay gugaca Hubkaasi.

Saraakiil ka tirsan laamaha amaanka ayaa sheegay in Hubkaasi ay Dabrid ahaan u isticmaalayeen ciidamada, waxaana xusid mudan in inta badan dadka ku nool magaalada Muqdisho ay cabsi ka qaaden gugaca Hubka.

Shacab farabadan oo ku nool degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir oo aan ka warheyn dabridka ay sameynayeen ciidamada Gaashaan ayaa sheegayay in uu dagaal socdo wallow markii dambe ay ogaadeen wixii halkasi ka jiray.

Ciidamada Gaashaan oo ka mid ah Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee dowladda Soomaaliya ayaa sidaan oo kale Sanadkiiba mar waxa ay sameeyaan Dabrid.

Dhinaca kale, qoryahaan oo lagu jiidaayo gaadiidka waaweyn ee dagaalka ayaa lagu arkayay waddooyinka qaar ee magaalada Muqdisho, kuwaa oo kusii jeeday dhufeysyada duleedka magaalada.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com