Warbaahinta Imaaraadka oo faafisay kulan dhex maray La-taliyaha Madaxweynaha Somalia & Safiirka UAE

Muqdisho (Caasimadda Online) _ La-taliyaha Madaxweynaha Soomaaliya ee dhinaca amniga ayaa kulan gaara la yeeshay Safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya Mohammed Ahmed Cisman Al Hammadi.

Kulanka oo ay shaacisay Wakaalada Wararka Imaaraadka ayaa lagu sheegay in Safiirka Imaaraadka uu la-taliyaha cusub ee Amniga Qaranka Soomaaliya Cabdi Saciid Ali ugu hambalyeeyay xilka dhowaan loo nagacaabay.

Wakaalada ayaa so xigatay kulanka looga hadlay xiriirka labada dhinac siiba dhinaca ammaanka, wuxuuna la-taliyaha madaxweynaha Soomaaliya Imaaraadka uga mahadceliyey taageerada ay siiyaan ciidamada Soomaaliya iyo xarunta tababarka ee ay ku leeyihiin magaalada Muqdisho.

Kulankan ayaa imaanaya iyadoo ay soo baxayaan warar sheegaya in madaxtooyada Soomaaliya ay xoojineyso xiirirka ay la leedahay Imaaraadka carabta.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com