Yey saameyneysaa xayiraada uu ku hanjabay Mareykanka ee madaxda Soomaalida?

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee qorsheynta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Caynte ayaa ka hadlay digniinta uu saaray Mareykanka ee la xiriirta dib u dhac kale ee ku yimaada doorashada, taasi oo qorshuhu yahay in la soo gaba-gabeeyo 25-ka Febraayo.

Cabdiraxmaan Caynte ayaa sheegay in digniinta Mareykanka ee xayiraadaha ay si toos ah u saameyn doonoto madaxda ku shaqada leh doorashada iyo kuwa sababay dib u dhacyada is biirsada, oo sida la fahamsan yahay uu kow ka yahay madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

“Sida uu Mareykanka warkiisa uu ku sheegay waxay si toos ah u beegsan doonaan dadka leh go’aanka doorashada ama dib u dhaceeda sababi kara, waan ognahay dib u dhaca hadda gaaray sanadka waxa uu ku yimid go’aano la qaatay oo dib u dhac uu yimaado, mararka qaarna lagu sigtay in xaalada faraha ka baxdo,” ayuu yiri.

“Mareykanka marka uu sameeyo hanjabaado xayiraad ah waxa uu haysta xulashooyin badan oo iskugu jira cunaqabteyn dhaqaale uu saaro dal ama shaqsiyaas, qaarkood uu ka xanibo fiisooyinka, waxayna ku xiran tahay marwalba danta ay siyaasada arrimaha dibedda ee Mareykanka ka leedahay dalka la beegsanayo.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in xanibaada Visaha ay ceebeyn weyn ku tahay madaxda lala beegsanayo ee Soomaaliyeed, marka loo eego madaxda dunida kale, maadama ay madaxdeena ay inta badan tagin Mareykanka.

“Madaxda dowlada federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada inta badan iskuma mashquuliyaan inay tagaan Mareykan, laakiin waa ceebeyn aduunka hortiisa iyo shacabkooda lagu dhar dhigayo mooye. Waxaana laga yaaba in dalalka kale ee reer galbeedka ay qaadan tallaabooyin lamid ah.”

Waxa uu intaas kusii daray in hanjabaada ugu culus ee Mareykanka ay xilligan tahay midda dhaqaale, maadama uu sheegay in Mareykanka uu yahay dalka ugu weyn ee taageera dowladda Soomaaliya.

Dowladda Mareykanka ayaa ka digtay inay xayiraado la beegsan doonto siyaasiyiinta iyo madaxda Soomaalida haddii dib u dhac kale uu ku yimaado doorashada Soomaaliya, oo aan lasoo gaba-gebeyn kahor 25-ka Febraayo.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka Ned Price, oo shir jaraa’id qabtay ayaa ugu horeyn soo dhoweeyey go’aanka ay Golaha Wadatashiga Qaran ku gaareen in doorashada Soomaaliya lasoo geba-gebeeyo kahor 25-ka Febraayo.

“Waxaan ugu baaqeynaa hoggaamiyayaasha federaalka iyo dowlad goboleedyada inay u hoggaansamaan jadwalka cusub ee la isku raacay, islamarkaana ay saxaan khaladaadka illaa hadda hareeyey hanaanka doorashada,” ayuu yiri Ned Price.

“Doorashooyinka Soomaaliya waxay jadwalkooda ka dib dhaceen hal sano. 8-da Febraayo waxay noqon doontaa sanad-guurada koowaad ee markii uu dhammaaday muddo xileedka madaxweynaha. Dowladda Mareykanka waxay diyaar u tahay inay adeegsato aaladaha ay heli karto, oo ay ku jirto xayiraado Visa, si looga jawaabo dib u dhacyo kale, ama ficillo kale oo wax u dhimaya sharafta hanaanka.”

Mareykanka ayaa horey dhowr jeer ugu hanjabay inuu beegsan doono qas wadayaasha Soomaaliya, hase yeeshee weli ficil ma qaadin. Si kastaba, ilo-wareedyo diblomaasi ayaa Caasimada Online u sheegay inay markan ka go’an tahay inay tallaabo qaadaan.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii