Yey yihiin labada isbaheysi siyaasadeed ee isku haya siyaasadda Soomaaliya?

Muqdisho (Caasimada Online) – Xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya ayaa gashay mid ka mid ah waayihii ugu adkaa ee mudooyinkan, waxaana socda loolan xooggan oo salka ku haya doorashada soo socota, sidii loo qaban lahaa iyo cidda ku guuleysan lahayd.

Siyaasadda Soomaaliya ayaa ku soo urureysa dad kooban oo ah kuwa ugu miisaanka culus kuwaas oo ka kooban laba isbaheysi oo mid uu yahay isbaheysiga dowladda, halka kan kalena uu yahay mucaaradka, oo dhinacyo kala duwan leh.

Siyaasiinta mucaaradka ayaa xoogeestay, kadib markii qaar badan ay dhowaan soo gaareen Muqdisho, halka kuwa kalena la filayo inay dhowaan soo gaaraan caasimadda.

Mucaaradka maa lahan wax hadaf siyaasadeed ah oo mideeya, marka laga reebo inay ka siman yihiin inay kursiga ka tuuraan madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmajao.

Mucaaradka siyaasiinta ah ee hadda Isbaheysiga ah ee halka dhinac kasoo jeeda ayaa waxaa ku jira.

1) – Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud

2) – Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed

3) – Ra”iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, oo aan wali banaanka isa soo dhigin, balse hadda galay xeendaabka mucaaradka.

4) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdi Wali Maxamed Cali Gaas, oo dhawaan safar ku iman doona Muqdisho.

5) – Afhayeenkii hore ee baarlamanka Shariif Xasan Sheekh Aadan oo dhowaan soo gaaray Muqdisho.

6) – Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

7) – Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam.

8) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo hadda aad ugu xirmay Madasha Xisbiyada Qaran.

9) – Xildhibaan Cabduqaadir Cosoble oo hoggaamiya xisbiga Ilays.

10) – Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi

11) – Sen. Muuse Suudi Yalaxow oo ka tirsan Aqalka Sare ee baarlamanka

12) Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed oo ah ganacsade talooyin siiya mucaaradka.

Xildhibaano, wasiiro hore iyo siyaasiin kale ayaa sidoo kale qeyb ka ah Isbaheysiga mucaaradka ah.

Dadka aan soo sheegnay ayaa qaarkood si toos ah banaanka iyo kulamada siyaasadda uga qeyb gala halka qaar kalane ay gadaal ka fadhiyaan waxa socda balse ay qeyb ka yihiin abaabulayaasha.

Isbaheysiga labaad ayaa ah kan muxaafadka ah ee dowladda, waxaana gebigiis uu ka kooban yahay xubno dowladda ku jira, oo ay ka go’an tahay inay talada dalka sii hayaan ama dib loo soo doorto.

1) – Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo hoggaaminaya muxaafadka islamarkaana ah qofka hagaya aragtiyadooda siyaasadda.

2) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

3) – Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudeey.

4) – Taliyaha Hay’adda NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

5) – Sii-hayaha xilka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed.

6) – Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen.

7) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor.

8) – Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho inkastoo miisaankiisa dhanka siyaasadda aad u yar yahay.

9) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi, oo lagu tiryo Villa Somalia, inkasta oo maalmihii dhowaa u muuqday inuusan sidii hore ku ahayn.

10 – Cali Cabdullaahi Guudlaawe, oo madaxweyne ku-xigeenka HirShabelle, balse ay dowladda u diyaarineyso madaxweynaha HirShabeelle.

Waxaa jiro Madaxweynaha maamulka HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare oo aan ilaa hadda meelna lagu xisaabin maadaama uu kursiga ka degayo.

Labadan isbaheysi ayaa ee iska soo horjeeda ayaa isku haya siyaasadda Soomaaliya, waxaana muuqata in aad loogu loolami doono tartanka doorashada.