Muxuu Yusuf Garaad ka yiri galaangalka siyaasadeed ee wafdiga Saciid Deni ay ka wadaan Muqdisho?

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirkii hore arrimaha dibadda dowladda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa bogaadiyay galaangalka siyaasadeed oo ay madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ka wadaan gudaha magaalada Muqdisho.

Danjire Yuusuf wuxuu dareensan yahay in aad loogu baahan yahay wakhtigaan oo kale in masuuliyad weyn la iska saaro wadanka, isla markaana wuxuu ku baaqay in is-aragga, wadahadalka iyo is-qancintu ay tahay natiijo aad u wanaagsan.

Yuusuf wuxuu ku baaqay inaan ka shaqeyno horumarinta iyo cadaalad ku noolaansho garashada iyo tabarta Soomaalida la jirta.

HALKAAN HOOSE KA AKHRISO QORAALKA YUUSUF GARAAD:

Waan bogaadinayaa galaangalka siyaasadeed ee Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland, Wasiirrada iyo mas’uuliyiinta kale ee socdaalkooda ku wehliyaa ay ka wadaan caasimadda.

Waxay toos ula falgaleen Hey’adaha iyo Mas’uuliyiinta dalka ugu sarreeya Dowlad iyo mucaaradba.

Waxaan aamminsan ahay marxalad kasta oo dalku uu marayo in is-aragga, wadahadalka iyo is-qancintu ay ka jawi iyo natiijo wanaagsan yihiin kala maqnaashaha iyo is-qaaddacaadda xataa haddii qiil loo heli karo.

Dalka waan wada leennahay, laguna kala guuri maayo. Waa in aan aqoonnaa si aan u nabadeyno oo macnaheedu uu yahay si aan isu nabadgelinno.

Si aan u horumarinno, uguna noolaanno sida ugu dhow caddaaladda ee ka suurta gal ah garashadeenna iyo taagteenna, annaga oo maanka ku hayna in wakhtigu uu socdo.