Yuu ahaa bartilmaameedka qaraxii wadada Cabdiqaasim?

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ka warbixiyey khasaaraha ka dhashay qarixii xooganaa ee saaka ka dhacay wadada Cabdiqaasim, degmada Hodan rr gobolka Banaadir, kaas oo geystay khasaare kala duwan.

Qoraalka kasoo baxay taliskja ayaa waxaa lagu sheegay in qaraxa uu ka dhashay gaari Surf ah oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa, kaaso ka yimid dhinaca isgoyska Tarabuunka.

Booliska ayaa xaqiijiyey in qaraxan ay ku dhinteen ugu yaraan illaa sideed qof, halka ay ku dhaawacmeen 17 kale oo u badan shacab xilligaas marayey wadada dhinaceeda.

Sidoo kale waxaa qoraalka kooban ee ka soo baxay taliska Booliska lagu sheegay in bartilmaameedka weerarka uu ahaa kolonyo waardiyeysa UN-ka oo loo yaqaano Duguf Security, kuwaas oo marayey wadada Cabdiqaasim ee isku xirta Tarabuuknka iyo KM4.

“Abaaro 0732hrs waxaa Qarax gaari ka dhacay inta u dhaxeysa isgoyska Tarabuunka iyo Guriga Ex.M. Cabdiqaasim gaar ahaan Afaafka Hore Ee Iskuulka Mocaas oo kuyaala kasoo horjeedka Dugsi sar Banaadir Gaariga Qarxay Noociisu waa Surf kana yimid dhanka Tarbuunka taarget.ka wuxuu ahaa Baabuurta waardiyeysa UN.ka ee Looyaqaano Duguf Security Qasaaruhuna ay Turakoobeen Boliisku waa 8 Dhimasho ah iyo 17 Dhaawac ah,” ayaa lagu yiri qoraalka kooban ee kasoo baxay taliska ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Dhinaca kale kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxan, waxaana ay shaacisay inay la beegsatay saraakiil cadaan ah iyo tababarayaal milatari.

Qaraxan ayaa ka mid noqonaya falal ammaan darri oo maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayey gudaha Muqdisho, kuwaas oo isugu jiro qaraxyo iyo dilal qorsheysan.

Si kastaba, arrimahan oo dil ayaa kusoo aadaya, iyada oo haatan dowladda Soomaaliya ay ku mashquulsan tahay qabashada doorashada Golaha Shacabka oo ka bilaabatay dalka.