Yuu u dhexeeyay shirarka gaar gaarka ahaa ee xalay ka dhacay KISMAAYO?

Kismaayo (Caasimada Online) – Sida aan wararkeena hore ku sheegnay waxaa Magaalada Kismaayo maalintii labaad ka socda shir Madaxda Dowlad Goboleedyada oo intiisa badan looga doodaayo tabashooyinka laga qabo dowlada Somalia.

Shirkan galay maalintiisa labaad ayaa ka danbeeyay kadib markii uu casuumay Hoggaamiyaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Hoggaamiyayaasha maamulada Puntland, Jubbaland, Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed oo qaarkood ay ku soo wajahan yihiin doorashooyin iyo qaarkood oo culeysaad siyaasadeed kala kulmay dowladda.

Hoggaamiyayaasha uu shirka u socdo ayaa dhamamantood wajiga Koowaad ee shirka jeediyay khudbado cagsi ku ah DFS ee uu Hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Shirkan ayaa waxaa lagu lafa guri doonaa dhawr arrimood oo ku qotoma xiriirka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, dib u dhiska ciidanka iyo qeybsiga qeyraadka.

Mas’uuliyiin iyo Saraakiil ka tirsan dhinacyada uu shirka u dhexeeyo ayaa inoo xaqiijiyay in xalay hoyga martida ee Kismaayo ay kulamo gaar gaar ah ku yeesheen Madaxda dowlad goboleedyada iyo Wakiilka QM oo weli ku sugan Kismaayo.

Madaxda maamulka iyo Wakiilka QM ayaa shirkooda gaar gaarka ahaa uga wada hadlay arrimo ku saabsan xiriirka dowladda iyo dowlad goboleedyada.

Waxaa sidoo kale isla xalay magaalada Kismaayo kulamo ku yeeshay Wasiirada dowlad goboleedyada ka kala socda ee isku howsha ah, waxayna ka arrinsadeen guddiyo midow ah oo Wasiirada ay sameysanayaan, si ay u xoojiyaan wada shaqyenta dhexdooda ah.

Maalinta Seddexaad ee shirka oo ku began maalinta beri ah ayaa waxaa sidoo kale lagu wadaa in Hoggaamiyaha Puntland Cabdi weli Gaas uu wareejiyo xilka Guddoomiyaha Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada, bacdamaa ay ku soo wajahan yihiin doorashooyin.

Si kastaba ha ahaatee, Kulankan oo berri la soo gaba gabeyn doono sida uu qorshaha yahay, Madaxdan lama oga waxyaabaha dhabta ah ee shirkoodan ay ka soo saari doonaan, laakiin sida looga bartay waxay soo saari doonaan war-murtiyeed ay ku cadeyn doonaan waxyaabaha ay isku fahmeen.

Caasimada Online

Xafiiska Kismaayo

Caasimada@live.com