Maxaa CC SHAKUUR uga baxay khudbadii Xi Jinping?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo xirmay shirka Madasha Iskaashiga Afrika iyo Shiinaha oo ka socday caasimada dalka Shiinaha. Shirka ayaa waxaa diirada lagu saaray arrimaha Africa iyo Shiinaha, waxaana kasoo baxay war-murtiyeed ku saabsan guulaha shirka iyo waxa lagu heshiiyay.

Shirka ayaa waxaa siyaabo kala duwan uga hadlay dhinacyada mucaaradka iyo muxaafidka dowlada Somalia waxa ayna qaarkood aad u amaaneen khudbadii uu shirka ka jeediyay Madaxweynaha Shiinaha.

Siyaasiga Mucaaradka Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur ayaa kamid ahaa dhinacyada qoraalka ka sameeyay shirka iyo Khudbada uu jeediyay Madaxweynaha Shiinaha.

Qoraal uu Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur kusoo bandhigay Bogga uu Facebook ku leeyahay ayuu ku difaacay Khudbada Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping uu kula hadlay madaxda Afrika.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA CC SHAKUUR

Waxaan dhagaystay khudbadii uu Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping uu kula hadlay madaxda Afrika. Wuxuu balanqaaday in Shiinuhu uu $60 bilyan oo hor leh Africa gelin doono. Wuxuu kaloo sheegay in Shiinuhu uu shan “Maya/no” Afrika kula dhaqmayo.

1- Maya; faragelin Arrimaha Gudaha ee dalalkiina, 2- Maya; deeq shardi ku xiran yahay.

3- Maya; in aan ajande siyaasadeed ee Shiinuhu leeyahay la idinku soo rogno.

4-Maya; In aan idiin yeerino mudnaan siinta mashaariicda horumarineed.

5- Maya; cid ku dhacda carqaladaynta midnimada shacabka Shiinaha & shucuubta Afrika.

Ka sokow Madasha Afrika iyo Shiinaha, waxaa iyana jira Madasha Maraykanka iyo Afrika, Yurub iyo Afrika, Japan iyo Afrika, India iyo Afrika, Turkiya iyo Afrika. Madaxda dalalkaas hadal macaan ayey madalada caynkaan ah ka jeediyaan. Kan Madaxweyne Xi Jinping kaas kama duwana.

Waxaase jira laba falsafad oo kala duwan oo ay ka duulaan deeq bixinta iyo kaalmada horumarineed ee Shiinaha iyo Galbeedka.

Galbeedku waxay ku doodayaan horumarka waxaa sal u ah xasilooni siyaaasadeed oo ku imaan karta hanaan dimoqoraadi ah oo dadku aqbalsan yahay xukunka, saa darteed waa in xooga la saaraa dawlad wanaag, dimoqoraadiyeyn, xuquuqul insaan iyo xoriyatul qawl.

Hadii kale dadka iyaga duminaya wadooyinkii, cusbitaaladii iyo Iskuuladii loo dhisay.

Halka Shiinuhu ay ku doodayaan nama qusayso hanaanka xukun ee dalka aan kaalmada siinayno, hadiise kaabayaasha dhaqaale ee dalka la dhiso, mashaariic horumarineedna laga hirgeliyo dadku waxay helayaan fursad ay saboolnimada uga baxaan kuna helaan madaxbanaani siyaasadeed.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com