Ethiopia oo 20 sano kadib markab raran ku xiratay dekadda Eritrea + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa muddo 20-sano kadib dekadda Eritrea ee Masawa ku xirtay Markabkii ugu horreeyey ee laga leeyahay Ethiopia.

Markabkan ayaa u raran dowlada Ethiopia oo dhawaan Heshiis taariikhi ah la gashay dowlada Eriteria oo iyadu leh 2 dekadoot.

Alaabaha saran Markabka ayaa ku socda dowlada Ethiopia waxaana xusid mudan in magaalada Masawa uu socdaal ku joogo Ra’isul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed.

Abiy Axmed, ayaa hadda ku sugan dalka Eritrea, isaga oo wadahadal la leh madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki, ka dib markii labada mas’uul ay bishii Luulyo kala sixiixdeen in la soo afjaro colaadii dhex taalay labada dal.

Booqashada Abiy Axmed ee dalka Eriteria ayaa loo arkaa in ay muhiim u tahay dadaalka ay Ethiopia ku doonayso in ay ku adeegsato dakadaha Eritrea markii u horraysay tan iyo markii uu qarxay dagaalkii xadka u dhaxeeyay ee labada dal dhex maray intii u dhaxaysay 1998 ilaa 2000.

Sidoo kale, Markabka ayaa ka yimid Sucuudiga, sida ay Twitterka ku baahisay warbaahin gaar loo leeyahay, waxaana la socda Markabka agab u socda dowlada Ethiopia.

Si kastaba ha ahaatee, dowlada Ethiopia ayaa ku guuleysatay siyaasadaha ay ku kasbaneyso dowlada Eriteria oo muddo aheyd mid kala xiran.