Fiqi oo taageeray dagaalka maamullada, Muqdisho-na ka jeclaaday Kismaayo

Kismaayo (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi ayaa taageeray weerarka ay dowlad gobolleedyada ku hayaan dowladda Federal-ka Soomaaliya isaga oo sheegay in madaxda shanta maamul gobolleed isugu yimaadeen shirk u saabsan in ay ku cabiraan dareenka ay ka qabaan Villa Somalia oo faro-galin ku haysa, sida uu hadalka u dhigay.

“Madaxweynayaasha shanta dawlad goboleed ayaa khudbo guud ku cabiray xaaladda maamuladooda, tan dalka iyo dareenka ay ka qabaan madaxda Villa Somalia ee DFS oo faragalin iyo si xun adeegsi awooddii dawladda ku haya maamulada dalka ka jira.” Ayuu yiri Fiqi.

Dhinaca kale Xildhibaan Fiqi oo Kismaayo u tegay ka qeybgalka shirka magaaladaas uga furmay maamul gobolleedyada ayaa aad u amaanay degenaanshaha ka jira magaalada oo uu sheegay uu amni iyo kala dambeyn ka jiro.

Waxa uu yiri “Si kastaba ha ahaatee mudadii koobneyd ee aan magaalada Kismaayo ku sugnaa waxaan dareemayaa Jawi amni, kala danbeyn iyo deegaan hormar weyn uu ka socdo iyo dad faraxsan oo jecel madaxweynahooda Sh. Axmed Maxamed Islaam”

Hadalkiisa ayaa u muuqday mid duraya amni xummada magaalada Muqdisho iyo dowladda federaalka oo magaalada gacanta ku haysa.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com