25.2 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Xog: Yuu Xasan Sheekh u wadaa gudoomiyaha aqalka sare ee BF?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in Guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Somalia uu u carbiyo Taliyaha Hogaanka Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dawladda Jeneraal Gaafow.

Xassan Sheekh ayaa la sheegayaa in Nabadoonada Beesha Murusade uu kula heshiiyay in Jeneraal Gaafow xilka laga qaado loona magacaabo Guddoomiyaha Aqalka sare.

Xassan Sheekh ayaa booska Jeneraal Gaafow u wada nin la sheegay inuu ka tirsan yahay Kooxda Damul-Jadiid islamarkaana ku heeb ah.

Jeneraal Gaafow, ayaa isagu soo dhaweeyay xilka laga qaadi doono iyo kan loo magacaabi doono, waxa uuna iminka xilka Hogaanka Socdaalka iyo Jinsiyadaha sii heyn doonaa inta laga gaarayo wakhtiga aqalka.

Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa ku howlan xil ka qaadis iyo magacaabi ka hor inta aan la gaarin xiliga doorashada, waxa uuna xilalkaasi ku raali galinayaa shaqsiyaad ku heeb ah iyo kuwo saaxiib la ah.

Ma cadda xiliga rasmiga ah ee lagu dhawaaqi doono xilka cusub ee loo magacaabi doono Jeneraal Gaafow.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News